Taageerayaasha xisbiga Waddani ha u diyaar garoobaan go.aan qadhaadh…” Xoghayaha xisbiga Waddani

Xoogaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa sheegay inay ku Dhawaaqi Doonaan Go’aan qadhaadh oo ay gaadhen xisbiyada Mucaaradku

” Si loo helo Somaliland ah qaran nabada oo leh nidaam dawladeed shuruucda iyo xeerarku hagaan, waxa aannu muujinnay dulqaad aan mararka qaarkood xaq lanoogu lahayn, waxa aannu aqbalnay in mudanta iyo haldoorka qaybaha kala duwan ee ummadani ay xal nala raadiyaan, taas oo aannu ku galnay wadahadallo aannu ognahay natiijo la’aanta ay ku dhammaanayaan.

Waxaas oo dhan waxa aannu ku galnay dhowrista MAANDEEQ oo aannu ognahay, in soo dhicinteedii rafaad badan loo maray, waxa aannu ku rejo qabnay in mar uun caqli shaqayn doono oo la garawsan doono wada lahaanshiyaheeda.
Nasiibdarro waxaa hor-iyo-daba-diid noqday, nin aan aragti fog lahayn, fikirkiisuna aanu dhaafi karin kursiga hortiiba xoog lagu haysan kari waayey.

Waxaa caddaatay in ayaandarrada haysata maandeeq ay tahay ninkii isagu dheefteedana keli ku ahaa oo haddana doonaya in uu bahalaha u baylihiyo. Haddii aannu in badan ka hor taagnaynna, maanta waa aanu la qaadannay, karis xun Iyana ku wax la.

Taageereyaasha xisbigana waxa aanu u sheegaynaa in ay u diyaar garoobaan go’aan qadhaadh “

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker