Dab halis ba’an ku hayo qeybo kamid ah Yurub

Kumannaan kamid ah kooxaha dab damiska ayaa weli dadaal ugu jiraa sidii ay ku damin lahaayeen dab kusii faayo keymo ku yalla dalalka Bortuqiiska, Faransiiska iyo Spain xilli uu kuleyl daran ka jiro dalalkaas.

Faransiiska ayaa daadgureeyay in ka badan 14,000 qof oo halis ugu jiray dabka ku baahay deegaanada dhaca koonfur galbeed dalkaas, dabka ayaa sidoo kale ku faafaya Croatia iyo Giriigga.

Masuuliyiinta Botuqiiska ayaa sheegay in ugu yaraaan 238 qof ay u dhinteen kuleylka saameeyay dalkaas tan iyo toddobaadkii lasoo dhaafay.

Heer kulka Spain iyo Botuqiiska wuxuu gaaray in ka badan 45 C, dhowr qof ayaa loo maleynayaa inay u dhinteen kuleylka daran.

Dabka ayaa sidoo kale ka kacay xadka Spain ee u dhow beerta qaranka ee Montfrague, oo ah kayd dabiici ah oo caan ku ah duurjoogta. Dabka ayaa baabi’iyey kumannaan hektar toddobaadkan.

Dabka ka kacay keymaha ayaa baabi’iyay ilaa 7,300 hektar oo ku yaalla koofurta galbeed ee Faransiiska, waxaana ay ku qasbeen 10,000 oo qof in ay ka barakacaan guryahoodii, oo u badnaa dalxiisayaal, qaarna waxay aadeen guryo ay sameeyeen masuuliyiinta maxalliga ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker