Oodweyne News - Latest Somali News Update

“Waxaan Doonaayey Anigu In Xisbiga KULMIYE Lagu Dhiso Afkaar Ama Aragti Wadanniyeed Hogaanka Xisbiguna Waxay Xisbiga Ku Dhiseen Kuna Hogaaminayaan Qaab Qabyaaladdaysan Waana Figradda Na Kala Kaxaysay” Cabdilaahi-Jawaan

Waxaan Halkan Ugu Soo Bandhigayaa Dadka ila Wadaagga Facebookga iyo Warbaahinta Kaleba iyo Guud ahaan Ummadda Wanaagsan ee Jamhuuradda Somaliland in aan Ku Biiray: XISBIGA WADANI ee JSL Kadib Markaan u Arkay in uu Yahay Xisbiga Kaliya ee Maanta Ku Habboon in uu Hanan Karo Hoggaaminta Dalka, Labada Murashax ee Xilalka: Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeeku Yihiin Labada Nin ee Ummadda ìsku Wadi Kara Dul-Qaad, Daganaan, ( Diplomats), Da’daal, Dal-Jecayl iyo Daacadnimo. Waxaa Laga Yaabaal in Dad Badanni isweydiiyaan Ama ay Yidhaah-daan: Waar Ninkii Abdillahi Abdi Haji Omar Jawaan Muxuu Xisbiga Kulmiye iyo Muuse Biixi Cabdi Xildiid oo uu aad u Taageer-sanaa Maxaa Sababbay in uu Ka Tago Waa Su’aal Qofkasta Maskaxdiisa ka Soo Maaxan karta Mudanna in Ummadda Jamhuuradda Somaliland aan u iftiimiyo Sababbaha Ugu Waaweyn ee aan Kaga Tanaasullay Taageeradii Muuse Biixi Cabdi, Gudiga Fulinta iyo Xubinnimadii Xisbiga Kulmiye oo aan ahayn Wax Fudud Taasi oo Xagga Dambe ee Qoraalkaygan aan Ku Muujin Doono. Ilaa iyo intii Kulmiye Hoggaanka Dalka Qabtay Waxaa Dalka Ka Dhacay Wanaag iyo Xumaan, Waxaan Sheegayaa Tusaalooyin: WAANAAGGU Waa: 1. Lacagtii Giinbaarta ahayd oo Laga Bedelllay Magaalada Burco. 2. Darajadii Ciidamada Qaranka oo La Bixyey. 3. Mashaariic Horumarinneed oo Gobollada Dalka Qaarkood Laga Dhaqan-geliyey. 4. Xafiisyo Badan oo Loo Dhisay Wasaaraddaha iyo Laamaha kale Qaranka. 5. Qurxinta iyo Qalabbaynta Xafiisyada. 6. Dhisidda Dayrarka Waaweyn ee Lagu Madiidday Calanka Qaranka Jamhuuradda Somaliland. XUMAANTA: 1. Qabyaaladda oo Xooggeysatay intii Kulmiye Hoggaanka Dalka Qabtay. 2. Siyaasaddeena Dibadda oo Hoos u Dhacday intii Kulmiye Hoggaanka Dalka Qabtay Gaadhayna Heer aad u Hooseeya. 2. Horumarinta Dalka oo aan Dalka Si Qorshaysan Loo Qaybin iyada oo Gobollada Qaar Si Gaar ah Loo Horumariyo Kuwa Kale aan La Danan. 3. Deeqaha Tacliinta Sare oo Lagu Bixiyo Gacan Qabad. 4. Shaqo Qorista iyo Magacaabidda Xilalka Qaranka oo Bixiyo eex iyo isu Dheelli-tiran La’aan Beellaha iyo Gobollada Dalka. Muuse Biixi Cabdi iyo Aniga oo ah Abdillahi Abdi Haji Omar Jawaan Wax Xumaan ah oo Naga Dhexeeyaa Ma Jiraan, Waxaase Timid Kala Duwanaasho Figraddeed iyo Kala Lahaansho Xisbiga Kulmiye, oo Waxaan Doonaayey Anigu in Xisbiga Lagu Dhiso Afkaar ama Aragti Wadanniyeed Hogaanka Xisbiguna Waxay Xisbiga ku Dhiseen Kuna Hogaaminayaan Qaab Qabyaaladdaysan Waana Figradda Na Kala Kaxaysay. Qaran Dhisid iyo Qabiilooyin Dhisidna isma Qaadan Karaan Guul iyo Gubonimo.

Cabdilaahi Cabdi Cumar (JAWAAN)