Oodweyne News - Latest Somali News Update

Dhiigyo-Cab Mukhtaar Roobow oo Dhiig U Shubaya Dhaawicii Muqdisho (MASAJIDKA CIYAARTA KADAAA….)

Sheekh Mukhtaar Abuu-Mansuur oo dadka u yaqaanaan Roobow dhawr bilood kahor isusoo dhiibay xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta dhig u shubay dadkii dhaawacaa ahaa ee ku waxyeeloobay qaraxii Muqdisho.

 

 

xal ma iman karaa mar hadii ay Xukuumadda Soomaaliya kharash badan ku bixinayso ragga argagixisada alshabaab hogaaminayey ee shacabka ku dhex rool , sida mukhtaar rooboow oo lagu yaqaan inuu ahaa dhiigyo-cab kuwii ugu waawaynaa kooxda alshabaab.

 

 

22489815_10213411225250724_3654377505014941650_n

 

Sheekh Mukhtaar Abuu-Mansuur waxuu ku magacaabanaan jiray guddoomiye ku xigeenka xarakada Al-shabaab, waxaa uu ku jiraa aasaasayaashii Xarakada Alshabaab , isaga oo ka soo jeedaa beesha Leesaan oo ka tirsan Digil iyo Mirifle ee degta gobollada Bay iyo Bakool.

 

 

Inta aan loo magacaabin Guddoomiye ku-xigeenka Xarakada Al-shabaab, waxaa uu muddo ahaa afhayeenka Al-shabaab, dalka Maraykanka ayaa sida aan soo sheegnay bishii June 6, 2012-kii ku daray liis la dul dhigay lacag.

 

 

Maraykanka waxaa ay sheegeen in $3 Milyan dul dhigay Mukhtaar Roobow halka $3 , Bilowgii Xarakada, Mukhtaar waxaa la sheegaa in Xudur iyo gobollo badan oo Koonfurta Soomaaliya ah uu ka sameeyay xerooyin dadka lagu tababaro, waxaa kale uu isaga ka mid ahaa koox tababar ku soo qaadatay dalka Afgaanistaan.

 
Imikana wuxuu dhex mushaaxayaa magaalada muqdisho , waxaana kasii daranba inuu dhiig u shubo laguna sawiro isagoo dhiig u shubaya dadkii ku dhaawacmay  qaraxii sabtidii ka dhacay Muqdisho.

 

 

Oodweynenews Newsroom