Oodweyne News - Latest Somali News Update

Tallo ku socota xukuumadda cusub ee Somaliland: Ictiraafka Somaliland oo ka dhaw barta ay Somaliland ku yeelan karto internetka (Top Level Domain Name GAme)

Muddo 26 sanno laga soo joogo, ayay Somaliland ictiraaf buuxa ka raadinaysay beesha caalamka, iyadoo markeedi hore ba ay ictiraaf buuxa ka heshay dhawr iyo soddon waddan 26 June 1960. Haddaba 26 sanno Somaliland waxay heerkaa ku soo gaadhay, isku filnaansho iyo kaalmo yar ay beesha caalamku siiso Somaliland. Ilaa 1991, Somaliland waxay isku tijaabisay in ay qadiyaddeeda beesha caalamka ka dhaadhiciso, si ay mar labaad beesha caalamka uga mid noqoto. Haddaba waxa xussid mudan, socdaalki xaqiiq raadis ka ahaa, ay Ururka Africa amma (African Union)ku u yimaaddeen Somaliland 2005, si ay wax uga ogaadaan in ay Somaliland buuxisay shuruudihi dawladnimo, waxaanay ku soo gabogabeeyeen xaqiiq raadiskaas, in ay Somaliland xaq taariikhiya u leedahay in la ictiraafo “Somaliland’s search for recognition was historically unique and self-justified in African political history”
Baryahan dambe Somaliland waxay magac ku yeelatay caalamka, xagga dhaqaalaha oo ay dalal badani u la dhaqmaan oo ay heshiisyo u la galaan, sidi dal la ictiraafsan yahay. Tusaalo ahaan, heshiiski 30 sanno ay dhawaan Somaliland la gashay shirkadda DP World oo ay xukuumadda Dubai leedahay, si ay u maamusho dekedda Berbera.
Haddaba, haddii aanu mawduuca qoraalkan guda galno. Somaliland 10ki sanno ee na soo dhaafay, waxay horumar la taaban karo ka gaadhay xagga lacagta sida elektronika loo isticmaalo ama afka qalaad loo yaqaanno (Mobile Money), daraasado faro badan oo sannaddadn dambe soo baxay, ayaa waxay xaqiijiyeen in ay Somaliland tahay dalka qudha ee dunida si xawli leh loogu isticmaalo adeegga (Mobile Money) ama aanu u naqaanno (Zaad), waxa taa u sabab ahaa banggi la’aanta ka jirtay dalka, si ay u suurto galiso meel ay dadka bilaa xisaab banggi (The Unbanked), ay lacagtooda ku keydsadaan, waxna ku kala iibsadaan. Arrinkaasna waxa aad uga helay, qirayna in ay tallaabo hor leh tahay, mulkiilaha shirkadda caalamiga ah ee (Microsoft) Mudane Bill Gates, isaga oo Somaliland ka dhigtay tusaale fiican, u ah 2 Billion oo qof, oo aan haysan meel ay ku kaydsadaan lacagtooda, oo ku kala nool Africa iyo Asia in ay ku daydaan.

 

SII mini logo 400 by 150
Kolkaa taasi waxay ku tusaysaa in ay Somaliland meel fiican taagantahay, oo ay heshay waddoooyin cusub ay u mari lahayd, geeddi socodkeeda, ee ictiraaf doonka, wadadaas oo ka duwan, waddadi diblumaasiga ahayd ee ay Somaliland u maraysay ictiraaf raadiskeeda muddo laga joogo imika 26 sanno. Waddadaasi waa waddada internetka amma dunidda internetka (Virtual World), waa waddada uugu dhakso badan si ictiraaf dheeraad ah oo calami ah ay Somaliland u hesho, taas oo keenaysa in ay ku yeelato bar ama astaan internetka (Top Level Domain), kaas oo ah (.SLND).

 

 

 
Bartaas ee magaceeda ku suntan tahay, oo ah (.SLND) (Top Level Domain Name .SLND), waxa laga yaabaa in ay Somaliland la kulanto caqabado xagga qaynuunka iyo xeerarka u yaalla hay’adda caalamiga ee xakamaysa internetka ee kolka la soo gaabiyo loo yaqaanno (ICANN), sababta oo ah aqoonsi la’aanta hadda Somaliland haysa. Ee laakin haddii aanu tusaalo ahaan soo qaadanno, waddanka (Scotland) oo ka mid ah boqortooyada ingiriiska, doonayana in uu ka go’o boqortooyada ingiriiska, waxay ku guulaysteen in ay barta internetka ku yeeshaan astaan u gaadh ah oo ay ku fidiyaan dhaqankooda iyo taariikhdooda u gaadh ka ah, oo ah (.SCOT), taas oo ku timid dadaal, dood iyo daba gal dhawr sanno gaadhaya, ay kula jireen hay’adda maamusha internetka ee la yidhaahdo (ICANN). Guushaasina waxa ay ku timid kolka ay xukuumadda Scotland, iyo hay’ad (Scottish) ah iyo shicibka reer (Scotland) ay dhawrkaa sanno is barbar taagnaayeen, iyo fiiga ama kharash gaadhaya $200,000 si ay (Scotland) iskaga diiwaan galiso hay’adda (ICANN), kuna yeelato magaca (.SCOT) barta iternetka. Waa la ga maarmaan in ay Somaliland ku yeelato internetka bar magaceeda tilmaamaysa oo ah (.SLND), oo aduunka waxaad tuseysaa in uu goonni isu taagaagu mid dhab ah yahay, xagga aanu hadda ka isticmaalno (.COM), oo ay ugu horeeyaan wasaaradaha iyo hay’adaha xukuumadda hoos yimaadda oo dhan. Haddii aanu sida ay (Scotland) yeesho yeelno, oo ay xukuumadda, shacabka iyo ururadda aqoonyahanka, oo aanu ka dhigno olole weyn oo ay 200,000 oo muwaadin reer Somaliland ahi ku deeqaan $1, guushaas waanu gaadhi doonnaa. Waxaana xusid mudan iyaduna, in uu ururka internetka ee caalamiga ah (ICANN) uu ku qaban doono shir weyn oo ku saabsan internetka (Abu Dhabi) caasimadda dalka isu tagga Imaaraatka Carabta 28 October 2017 ilaa 3 November 2017.

 

 
Haddaba haddii aanu nahay Machadka Aqoonyahanka Somaliland ama (Somaliland Intellectuals Institute (SII), waxaanu ku adkeynaynaa xukuumadda cusub ee Somaliland ka dhalan doonta bisha November 2017, in ay arinkaas barnaamijkeeda siyaasadeed ku darsato. Wixi faahfaahin dheeraad ah, oo ku saabsan arinkaas, iyo sidi loo gudo gali lahaa, aanu uga wada shaqayn lahayn haddii aanu nahahy Somaliland Intellectuals Institute (SII). Fadlan nagala soo xidhiidh:

 

 
sii-s@somalilandintellectualsinstitute.org.
Khalid Maxamad Cali – Xubin ka mid ah (SII) – Soona dhigtay cilmiga (Strategic Innovation)