Oodweyne News - Latest Somali News Update

Xukuumadda Somaliland Oo Ciidamo Dheeraad Ah Gaysay Magaalada Laascaanood

Laascaanood(OWN)- Wararka ka imanaya  Magaalada laascaanood ee Xarunta gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi xukuumadda Somaliland ay geeyeen ciidamo aad u farabadan.

 

 

Ciidamada oo isugu jira Booliis iyo Milateri ayaa xalay lagu arkay Xaafadaha Waaweyn ee Magaalada laascaanood kuwaas oo ilaa Maanta dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wada duleedka Magaalada laascaanood.

Xiisadaas ayaa Maanta laga dareemayaa gudaha magaalaa laas-Caanood, waxaana dadka qaarkood ay sheegeen in ay cabsi soo waajahday.

 

 

 

Saraakiisha Somaliland ayaa waxa ay sidoo kale sheegeen in Maamulka khaatumo oo iyana ciidamo usoo daabulay deegaano ka tirsan Gobolka Sool iyaga oo ka soo horjeedo doorashada Somaliland sida uu hadalka u dhigeen.

 

 

Oodweynenews Laascaanood