Oodweyne News - Latest Somali News Update

Maamulka Puntland Oo Si Rasmi Ah Dekadda Boosaaso Ugu wareejiyeen Shirkadda DP World

Boosaaso(OWN)- Xafladaan ayaa aheyd mid lagu warejinatyay Maamulka dakada magalada bosaaso Oo Ay warejisay  Puntland waxaana lagu warejiyay shirkada Shirkada P&O Port oo Hoostagta DP World.

 

Maamulka Puntland ayaa  waxay dekadda magaalada Boosaaso ugu wareejiyeen shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraatka, kadib munaasabad ka dhacday dekaddaasi.

 

 

Munaasabaddan waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiinta gobolka Bari, Kan Boosaaso, wasaaradda Dekadaha iyo amniga Badaha ee Puntland, xubno ka socday shirkadda DP World iyo marti kale.

Mas’uuliyiin u hadlay wasaaradda Dekadaha ee Puntland ayaa sheegay in shirkaddan ay la wareegtay oo kaliya dhismaha dekadda ee aanay dhanka maamulka la wareegin.

 

 

Shirkadda DP World ayaa dekaddan dhisamaheeda ku bixin doona 336 milyan oo doolarkanka Maraykanka ah.

Dhowaan ayeey DP World la wareegtay dekadda Berabera oo muran xooggan uu ka dhashay.

 

kojj