Oodweyne News - Latest Somali News Update

Ugu Yaraan 31 Qof Oo Ku Geeriyooday Dab ka Kacay Waqooyiga California ee dalka Maraykanka

CALIFORNIA(OWN)- Tirada dadka la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dabka ka kacay waqooyiga California  ee dalka Maraykanka ayaa gaadhay 31 ruux, iyada oo saraakiishu ay ka digayaan in xaaladdu ay ka sii dari karto.

Boqolaal dad ah ayaa wali la la’yahay ka dib markii ay kaceen 22 dab oo xoog badan, In kabadan 8,000 oo shaqaalaha dab damiska ah ayaa isku dayaya in ay xakameeyaan dabka.

Dabkan kaymaha ka soo billawday ayaa burburiyay 3,500 oo dhisme iyo 68,800 hektar oo dhul ah, waxaana ku barakacay 25,000 oo ruux.