Oodweyne News - Latest Somali News Update

Wasiir Cali Marexaan Waxa ku Waajib ah,inuu Xaal Ka Bixiyo Arrintii Foosha Xumayd ee uu Kula Kacay Suldaanka iyo Gudoomiye Faysal cali waraabe .Waxay Ahayd Arrin ka Baxsan Xayn-daabka iyo Xasaanada Musuul qaran. W/Q. Mustafe Axmed Maxamed Geedi

Wasiir Cali Marexaan Waxa ku Waajib ah,inuu Xaal Ka Bixiyo Arrintii
Foosha Xumayd ee uu Kula Kacay Suldaanka iyo Gudoomiye Faysal cali
waraabe .Waxay Ahayd Arrin ka Baxsan Xayn-daabka iyo Xasaanada Musuul
qaran. W/Q. Muatafe Axmed Maxamed Geedi
Marka hore waxan halkan ka salamayaa akhristaysha sharfta iyo qiimaha
leh,ee fursada ama wakhtiga u helay akhrinta maw-duucan

Sida ka muuqata ciwaaankeena qormdan waxan kaga hadli donaa ,mawduuca
maal-mahan aad loo hadal hayay ee ku saabsan hadalo aan u arko inay
ceeb ku yihiin musuliyiinta weedhahaas istimaalay.iyo hadaladii
xanafta iyo xurgufta u badnaa ee la is dhafsaday

Hadaladii wasiir cali xasan isticmaalay ee uu suldaanka ku yidhi iyo
kuwii gudoomiye faysal cali waraabe ayaan qoraalkan bud-dhig uga dhigi
donaa .akhris wanagsan

Intanan guda galin mawduuca .horta aan araarto sida ay wax u jiraan .

Maalmihii ugu danbeeyay waxa warbahinta hadalo dhaliilo ah .isu
marinayay suldaanka guud ee beelaha somaliland iyo wasiir cali
marexaan

Arimaahaasi oo ka baxsan sharfta iyo masuuliyadaha qaranka.in
af-lagaado iyo cay hawda la isu mariyo

Waxa meesha ka muuqata in hadalo meel ka dhaca ay hawda isu mariyeen
wasiir Cali marexan .suldaan maxamed cabdi qaadir iyo faysal cali
waraabe

Wasiir cali marxeen waxa meel ka dhac wayn ku ah inuu maarayn kari
wayay isla markaana uu tahli kari wayay inuu shacabka somaliland
qanciyo. oo dhaliisha bulshada iyo shacabka kasoo baxaya uu ka
qanciyo

Wasiir cali maraxeen iyo wasaradiisa shacabka somaliland tuhun wayn
ayay ka qabaan .tuhunkaasi wa mid musuq-masuq iyo wax isdabo-marin
hantida maguurtada ah ee umada ah.

Xaruntii hore ee guryaha booliska ee magalda burco ayuu sanadkan
gudihiisa wasiir cali marexaan burco ka sheegay in laga dhigayo suuq
wayn oo ay dawladu ka hirgalinayso magalada burco.waxana halkaas laga
raray dadkii deganaa oo ahaa dad dan-yar ah iyo ciidamo.iyadoo loo
sheegay in dhulkaasi dawlada somaliland ay suuq ka hirgalinayso ,
sidiii wasiir cali xasan sheegay.

Dadkii meesha deganaa waxa isu kaashaday wasarada hawlaha guud iyo
dawlada hoose ee degmada burco. dadkiina wa laga raray meeshii

Waxa arin dadka reer burco ka yaabisay noqotay ,markii goobtii wasiir
cali marexan yidhi waxa laga dhigayaa suuq-wayn oo meshii lagu
dhajiyay sawir dhowr dabaq ah, in maalmo yar kadib meeshii laga dhisay
guryo yar yar oo bakhaaro ah ,dadkii mesha laga rarayna ay burco ka
mudahardeen

Arrintaasi waxay si cad u muujisay in wasarada hawlaha-guud iyo
dawlada hoose ee burco ay musuq-masuq kula kaceen dhulkii hantida guud
oo laga xaraashay dad shacab ah,

Hadaba gudoomiyaha xisbiga ucid iyo suldaan maxamed suldaan c/qaadir
ayaa dhawaan wasiirka hawlaha guud ku dhaliilay arimo musuq-masuq iyo
in wasiirka hawlaha guud ku fashilmay shaqadii madaxwaynuhu u igmaday
gaar ahaan dhulka madaarka cigaal oo uu maarayn kari-wayay.dhulkaas wa
dhul madaarka cigaal ka ag-dhow isla markaana aan la qaybin .dad
shacab ahna ay leeyihiin .arrinta dhulka madaarka ayay ku lug lahayd
khilaafka dhex-maray masuuliyintan.dhulkaas xukumadu waxay ka
mam-nuucday in wax dhismo ah laga hirgaliyo.madaama madaarku
mustaqbalka uu u bahan karo .sidaas darteed dhulkaas dadka leh waxa
loo ogol-yahay in dadkii lahaa ay dib uga iibiyaan dawalada .sidoo
kale dhulkaas waxa ku jira dhul dan-guud ah oo madaxwaynaha iyo
xukumadu siiso cidii ay doonto.hadaba waxa is waydiin leh marka cali
marexaan oo shalay xil loo dhiibay oo dhulka intuu doono iibiya ,ciduu
doono siiya .isaguna sidii doono ka yeela

sababta uu faysal cali waraabe oo dalkan iyo dadkan kaga xaquuq badan
oo inta uu gashaday qaranku anu gudi karin.oo nabadayntii iyo ilaa
manta oo uu xisbi mucaarid ah hogaamiye u yahay aynu ognahay kalinta
uu qaranka kaga jiro, miyay tahay in maanta cali marexaan oo siyasada
soo galay 2015-kii inuu dhaho faysal cali waraabe ayaa dhull i
waydiistay.waar faysal cali waraabe waxa uu lamid yahay oo waliba ka
xaquuq badanyahay kuwaad malin walba dhulka danta guud u qaybisaan ee
tigreetada madaxwayne lagu siiyo lkn nasiib darro marka siyasadii isa
soo gadh-siisay cali iyo faysal way tahay in dhoobada la iska wada
walaaq-do

Hadaba waxa wax lala yaabo noqotay in wasiir cali marexaan hadalkii labadan
masuul u uga jawaabay si ay ka muuqato maan-gaabnimo iyo aragti-xumo
.halkii wasiir cali marexaan uu ka qancin lahaa dadkii dhaliiilay iyo
shacabka uu wasiirka u yahay ee somaliland

Wasiirku inta uu warbaahinta u yeedhay ayuu hadalo meel ka dhac ah,oo
ka baxasan xayn-daabka dawladnimo iyo xasaanada wasiir qaran,ayuu
af-lagaado iyo cay kula dul-kufay gudoomiye faysal cali waraabe iyo
suldaan maxamed c/qaadir
cay-daas iyo af-lagadadasi waxay ahayd mid akhalaq-da iyo sharfta masuul
qaran ka baxasan. wasiir cali marexaan waxay talo kaga soo ururtay
inuu marba isku qaado qofka shaqdiisa dhaliila malaha cali ma oga inuu
qaran dhan wasiir u yahay ee waxa ku wajib ah inuu umada qanciyo
halkii uu marba qof isku qaadi lahaa oo cay iyo aflagaado warbaahinta
iyo umada la hor iman lahaa

Arrinta suldaanka uu cali kula kacay wa mid ka baxsan sharfta iyo
milgaha somaalinimo iyo dhaqankeena in qof suldaan ah aflaagado intaa
leeg loo gaysto ,wa mid ka baxasan xayn-daabka masuuliyadeed
,arintaas waxa ku wajiba cali marexaan inuu xaal ka bixiyo
,arrintaasna uu raali-galin kasiiyo shacbka iyo umada madaxda ka
dhigatay

Hadii kale wuxuu noqonayaa nin aan xadhig iyo xurmo toona lahayn,oo
xil ka wayn iyo kabo ka wawayn loo xidhay .oo la daala dhacaya xilkii
qaranka

Sida muuqata hadaanu arintaa xaal iyo raali-galin ka bixin wuxu
noqonayaa nin aan siyaaasi ahayn oo ku fashilmay shaqadii umada iyo
xasaanadii xilka qaran ee uu hayaa lahayd.

Wasiirka waxan kula talin-lahaa halkii uu marba qofka dhaliilay uu isku
qaadi lahaa inuu umada somaliland ayuu xil u hayayee inuu qanciyo

Qoraalkaygu ma aha mid aan ku dhaliilayo wasiirka lkn wa sixitaan iyo
inan aragtidayda xorta ah ka dhiibto arrintaas ,maaha inaan wasiirka sax
iyo qalad-ba ku difaaco oo aan qoralkayga reernimo ugu xagliyo wasiir
cali marexaan,lkn wa inan farta ku fiiqo xaqiiqada sida ay tahay

alaah mahad-leh
W/Q. mustafe axmed maxamed geedi

Email. mustafea179@gmail.com