Oodweyne News - Latest Somali News Update

Guddigga Doorashaddu Tiro Qabyo ah ayay ku Sheegeen Hordhac

Hordhacii codbixita doorashadda waxaa tiradda guud ay ku sheegeen guddiga doorashadu qiyas ahaan 873,331, waxaase maanta oo bishu October 10, 2017 ay si rasmi ah ugu dhawaaqeen tiradda dhabta ah ee dadka is diiwaang geliyey ay ku sheegeen 704,089 farqigga u dhexeeya laba tiro waa 169,242 oo boqolkiiba u dhiganta 24%. Waa tiro badan.

 
Waa tiro ay ka muuqto in wax badan la iska weydiiyo, wax keenaay in farqi intaa leg ay u dhexeeyso? Sidee wax u jiraan? Side hordhaca ku saleeyeen guddigu? Waxaa muhiim ah in la dul istaago tiraddii hordhaca ahayd ee ay guddu soo saareen bishii April ee 2017kii, ma rabo in aan malo-awaal ku sameeyo sabaabaha keeni kara in tiro intaa leh ay u dhexeyso laba tiro. Waxaase cad in farqigga u dhexeeya labada tiro uu aad u balaadhan yahay una baahan yahay sharaxaad dheeraad ah wax sababay farqigga laba tiro ee aad u kala sareeya.

 
Waxaa hoose ka muuqda shaxaddii labada tiro, waa tii hordhaca ayaa soo saareen guddiggu Bishi April 20th 2017 iyo tii rasmiga ahayd oo maanta oo ay bishu thay October 10th 2017 aan ka soo qaatay website-yadda Somaliland.

29 th April 2017   10th October 2017 Farqiga Boqolkiiba

Maroodi Jeex 312,634 249,229 63,405 25%

Togdheer 178,506 147,440 31,066 21%

Awadal 147,031 102,571 44,460 43%

Sanaag 85,222 80,334 4,888 6%

Saaxil 78,842 60,817 18,025 30%

Sool 71,096 63,698 7,398 12%

Total 873,331 704,089 169,242 24%

 

 

 

Haddii aan hoose u sii eegno waxaad mooda in goboladda qaarkood la tuuray tiro aad u badan tusaale ahaan Awadal 43% ayaa maqan marka lagu saleeyo tiraddii hore ee horedhac ahayd, waxaa kale oo tiro aad u badani ku jirtaa Gobolka Saaxil oo isagan ay tiro aad u badan laga jaray. Gobolka Maroodi jeex iyo Togdheer ayaa iyagan tiro badan laga jaray.

 

 
Haddii aan yidhahano tiradda danbe ayaa sax ah oo tiraddii hore ee hordhaca ahayd ayaa khaldan, waxaa marka loo baahinyahay in guddigu ay keento cadayn buuxadda oo sheegaysa in khadaad badani uu ku jirey tiraddii hordhaca ahay ee ay shaaciyeen Bishii April 29, 2017 kii.

 
Gebogebo, waxaa hubaal ah in aanay farqiggu ka badan kari 5 ilaa 7% labadda tiro, waayo waa laba tiro oo xisaab ku fadhidda, waxaan hordhacu uu markasta sheegayaa in tiradda dhabta ah aany wax badan u dhexeeyn Karin taa marka la soo bandhigay iyo ta dhanta ah oo iyaddan gebogebeyada la soo saari doono. Diiwaangelintu ma aha tiro malo-awaal ah waa tiro la dhameeyey oo wax u hadhsan aanay ka badannaan Karin 5%, hordhac laguma sheeki karo haddii tiradda ay ka maqan tahay 24%. Waa tiro qabyo ah oo aan suurtogal ahayn in lagu sheego hordhac.

 

 

 

Osman Awad