Booliska kenya oo kahadlay weerar kadhacay waqooyi bari kenya.

Dabley hubeysan oo la aaminsanyahay in ey katirsanyihiin dagaallamayaasha Alshabaab ayaa weerar kuburburiyay xarun isgaarsiineed taasi ooo kutaalla deegaanka Rhamu oo katirsan ismaamulka waqooyi  beri Kenya sida ay shaaciyeen saraakiil katirsan booliska Kenya.

Taliyaha booliska gobalka waqooyi bari Kenya oo lagu magacaabo George Seda ayaa sheegay in ay heleen xog laxariirta in dableysan oo hubeysan oo ay aaminsanyihiin iney katirsanyihiin  Alshabaab  Ay weerar kuqaadeen dhismaha xarun  isgaarsiineed taa oo kutaalla deegaanka Rhamu oo katirsan gobalka waqooyi beri Kenya .

Faahfaahin dheeraad ah kamabixin booliska Kenya khasaaraha kadhashay weerarkaas marka laga soo tago iney shaaciyeen in qarax lagu burburiyay dhismaha xarun isgaarsiineed islamarkaana qaraxaas loo adeegsaday bam lagu xiray dhismaha xarunta isgaarsiinta.

Booliska Kenya ayaa xusay In dableyda weerarka soo qaaday ay ubaxsadeen dhanka xadka Somalia iyo Kenya   iyagoo intaa kudaray in ciidamada amaanka Kenya ay howlgallo kawadaan deegaanka weerarka uu kadhacay.

Tan iyo markii ciidamada Kenya ay qeyb  kanoqdeen ciidamada midowga Africa Amisom ee hadda loo badalay ATMIS Alshabaab ayaa weeraro kuqaadayay kolonyada ciidamada Kenya ee isticmaala xadka Somalia iyo Kenya sidoo kale weeraro toos ah ayay lakulmayeen ciidamada Kenya ee kusugan Somalia.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker