Oodweyne News - Latest Somali News Update

GALOOL IYO WUXUU GUDO.

Giriyaad hadduu taagan yahay geela dhalayaaye
Guyaaddii halkuu daaqi jirey gelengel weeyaane
Gorofkiyo tigaaddii halkuu goosan jirey waayo
Garanwaa markii uu ka baxay wuu gunuunucaye
Goodiga Banyaro reerka degey gu’ iyo jiilaalba
Hadday Garo irmaan tahay riyuhu godol ma qaadaane
Galoolkiyo Maraagii markay gudimadii xiirtay
Dabaylaha gurxamayaa hadday gelelefaayaane
Gabaahiir hadday taagan tahay geed qalaad yimi
Gabadanada waataa fadhida gawre dhaxameede
Gafuurra xun hadday yuururtaa geli habaas weyne
Hadday garasho leedahay dhirtaba lama garaaceene
Maxaan uga gabyaa waa horaa go’ay Madheedhkiiye…
Abaaraha dalka ka taagan waxa u sabab ah geed la gooyo mooyaane geed la beeraa ma jiro. Markii aan u fiirsaday geedka loo yaqaan galoolka oo ku jira dhirta sii dabar go’aysa ayaan eegay qaybta uu ka qaato nolosha Soomaalida siiba tan baadiyaha. bal inta aan ka xasuusto aan hoos ku sheego. Wixii aan ka tegey amma aan qalday iyo wixii kaleba ku soo dara.
i. MAYDHAXDA GALOOLKA:  Xadhkaha miyiga lagu isticmaalo intooda badan waxa laga soohaa maydhaxda Galoolka sida dufka oo laga sameeyo Kebdaha. Xadhkaha awrta lagu raro, haamaha, saababka, heeryada xadhkaha lagu xidho waxa u badan kuwa galoolka laga soohay. Tan kale, maydhaxda Galoolka waa la diirtaa oo waxa ay leedahay dhadhan fiican marka la calaashado. Sida sheekadii ahayd “Naa Laago, Laago waa laan galool ah, oon weli la diiran, naa mayla diiran ? kula diiran maayo, oo maxaad ku diidday? anigayska diidaay, oo maxaad ku diiran? gees goodirkayga, wuu kaa gammuurmi, Reer Cali …… Jidib u doonan, oo xalayba guuryee, Xamaraan u fuuli (Faras), Xamarooy dirkaa be, goormay dayaantay, oo dooxa raacday dib laguuma fuulo.
ii. XIDIDKA : waxa laga goostaa dhigaha aqal Soomaaliga, Faralaab sida Bakooradaha amma ulaha  xoolaha lagu raaco.
iii. JIRRIDDA :  Waxa laga diirtaa maydhax iyo rogob, waxa laga shitaa dhuxusha ugu fiican iyo  dogobyada dabka lagu shito kuwa loo yaqaan biixida.Waxa kale oo Galoolka marka uu qalalo ka faa’iidaysta shimbiraha oo dhashoodka ku koriya daldaloolka jirridda Galoolka.
iv. CANBUUSHA: Waxa laga gurtaa Canbuusha iyo Xabagta la cuno.
v. DHIMBIISHA: Oo jiilaalkii xoolaha, ugaadha iyo xayawaanka qaarkood cunaan.
vi. LAAMAHA : oo laga goosto ulaha, Hankoolka, Daab gudimada, Lulaha, Budadka iyo   oodda reerka lagu oodo amma waabka laga sameeyo ee loo yaqaan dhacanta.
vii. ASALKA: oo laga sameeyo jillawda galoolka kaas oo lagu nadiifiyo haamaha iyo hadhuubada.
viii. CALEENTA : Xoolaha oo dhammi way cunaan caleenta Galoolka oo jiilaalkii ayaa loo garaacaa marka dhulku xaaluf noqdo.
ix. CADAY: Xididkiisa iyo laamahiisa curdinka ayaa laga goostaa caday.
x. HADHKIISA: Xoolaha iyo xayawaanka kale waxa ay galaan hadhkiisa.
xi. DHILLOWYAHANKA: Geedka loo yaqaan Dhillowyahanka oo ah (Parasite) amma ku dulnoolaade waxa uu ka baxaa geedka Galoolka oo ah marti qaade (Host) kaas oo jiilaalkii xoolaha looga soo jaro laamaha galoolka oo uu ka baxay. DHILLOW YAHANKAA DHIRTUUN KA BAXEE MAXAA DHEXDA IIGU KAA MARAY.
xii. QOOFAL: Waa nooc ka mid ah  seetada awrta lagu xidho oo si gaar ah oo farshaxannimo ku jirto looga sameeyo maydhaxda amma xadhkaha galoolka taas oo ka adag kana fiican seetada xigga laga sameeyey.
xiii. XAABADA: Waxa uu galoolku leeyahay xaabada iyo xansaska la shito tan ugu fiican oo hore u olosha qiiq badanna aan lahayn sida qori dogobka, biixida iyo qoryaha ardaaga lagu shito.
xiv. QODAXDA: Haddii irbad la waayo waxa lagu toshaa dharka siiba dadka baadiyaha ku nool.
Suugaanteenna marka dumarku caws, kebed amma maydhax diiranayaan suugaan badan ayaa isku maaweeliyaan taas oo geedka Galoolka la yidhaa ku aroorta. waxa aan odhan karaa geedkaasi nolosha Soomaalida 65% ayuu saameeyaa laakiin sida muuqata maalinbaa iman doonta in dhulka laga waayo geedkaas qiimaha badan.
KAYD MAXAMED CABDALLA