Oodweyne News - Latest Somali News Update

Qarankii Qabyaalada Kaashaday , Qormada Koowaad Qalinkii : C/raxman Yacqub Xasan

“Bulshada kalmidaysan wayda
Bulshada Koox koox u qaydan
Bulshada kala kibir qaloota
Bulshada kala kaca ku foogan
Kurkana laga wada shaqeeyo
Uurkuna kala kaymo daaqo
Kufkeed waligeed ma gaadho”
“ Abwaan Xasan Daahir Ismaciil “Weedhsame “

 

 

 
Qormo qoraalkani waxay inoo noqon doontaa mid toddobaadle ah , si aan u iftiimino qabyaalada iyo marxaladihiisa ay soo martay bulshada soomaaliyeed guud ahaantood . inagoo ka dhaqaaqayna marxaladihii Suugaanta somaliyeed soo martay inagoo ka qaadanayna sawir maskaxeed aan ku sawiran karno qabyaalada iyo mustaqbalka bulshada somaliyeed .

 

 
Inta aan hayo soomalidu waxay soo martay saddex marxaladood oo kala duwan kuwaas oo aragti qabyaaladu ku dhererneyd, Saddexda marxaladoodna waxay kala ahayd 1. Gumaysigii ka hor 2. Gobonimo Doonkii 3. Qaranimo

 

 

 
1. GUMAYSI KA HOR IYO MARXALADII QABYAALADA
Bulshada soomaliyeed waa bulsho xoolo dhaqato ah oo aan ku caan bixin wax qorista iyo wax akhrinta waana ta sababtay in ayna jirin taariikh qoraaleed ay somalidu leedahay laakiin marka aad u kuur gasho taariikhda faca weyn ee qoomiyada somalidu waxay ku soo ururaysaa saddexda marxalaadood ee kala 1. Gumaysii ka hor 2. Gobonimo Doonkii 3. Qaranimo.
Wakhtigan Gumaysiga ka hor marxalada qabiilka iyo qabyaaladu waxay ahayd midii ugu saraysay ee ay soomaali soo marto anigoo u sababaynaya in ayna jirin fikiro iyo aragtiyo samaynaya bulsho ama isku urur dadeed si ay isaga kaashadaan caqabadaha nolosha ee soo wajaha aadamiga . Waxayna haysteen aragtidan oo qudha
Anaa mudan anaa midho, ku dheer lay hormarinaayo
“ Abwaan Faarax Nuur AUN”
Waana sababihii ugu waa waynaa ee keeni jiray dagaalada qabiilada iyadoo wakhtigaa ahaa wakhti kala sareynta kala gobsanaantu ay ku dhisnayd kala col badnida qabiilada, sidoo kale Suugaanta wakhtigaasna waxay kama ay fogeyn aragtida qabyaalada . Si kastaba ha ahaatee waxay ahayd wakhti ayna jiran aragtiyo kale oo aan mideeya bulshadii xiligaa jirtay .

 

 

 

La soco Qormada Kale ……
Marxaladii Gobonimo Doonkii iyo Heerkii Qabyaalada

Contact
Name : Abdirahman Jacob Hassam
Title : Security Adviser
Tell : 634807177
E-mail: Jacobhassam@gmail.com