Oodweyne News - Latest Somali News Update

Jawaab Ku Socota Maayarka Burco!

Waxa la yaab leh nin weyn ( Kolay jidh-kiisu aad u lafa buuran yahay), caqli-giisana laga dayrinaayo, waa maayarka Burco’e, xil ummadda u haya, loo dhaariyey in uu daacad u ahaado, oo shaqaale dawladeed ah ( Civil Servent), ka mamnuuc ay tahay in uu siyaasadda ku milmo, ahayd in uu u sinaado Ummadda uu xafiiska u fadhiyo, dani isaga ugu jirto in aanu kala gurin, ee uu isku duubni wadareed, eex la’aan ku maamulo. Waxa nasiib darro ah hadaba, in uu Maayarka Buro waa ka la yidhaaho Muraade, markuu xoolihii ummadda, si walba u xantoob-saday, oo aad jidh-kiisa ka aragtid, in uu iska bararay, laakiin aanu caqli meesha ku hayn haba-yaraatee, waa noocaas oo miidhan dadka ay xukuumadani ummadda u dirtay, iyaka oo aan u shaqaynayne ee ka shaqaysanaaya. wuxu yidhi (IHN) Tima-cade “ Duulkii inakaar qaba jinaa daasadaw tuma’e” ummadda uu noocaas iyo kuwa ka sii hooseeyaa.  ay hogaanka u hayaan, saw Balaayo ma haysato, waa kii u xaq soori lahaa beelaha, ee xil ka sii weyn ku sii doonan lahaa, siddii Qabya tire, ee isku soo dhaweyn lahaa, haddiiba ay wax ku dhex jiraan uur xumo ahi, ee isku sii dhisi lahaa, si uu maqaam ka sii weyn ugu gaadho, laakiin waa kaa dib isugu kaajay.
 
Akhristaw,  wuxu yidhi (IHN) Cali dhuux, isaga oo ka hadlaaya suufiggii waalaa (The mad mulleh) ee borqor-toooyadda doonaayey ( Waa kii ay odhan jireen ina Cabdile Xasane) baa wuxu yidhi ” Taladdii ilaahay ka qaad tuugi reer xamare” aan ku soo dhawaado’e, Maayarka aan kor ku carrabaabay ( Muraad), baa wuxu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Cigaal International Airport, waa ka Caasimadda Somaliland ee Hargaysa’e, waxa waraystay weriyayaal uu u yeedhay, inta uu afka kala qaaday, oo afaray naaqus ah tiriyey, malaha is leh wax baad ku hadlaysaa, baa uu yidhi ” Burco waa lagu kala bixi, oo cidda leh waa la ogaan iyo wax ka sii daran, oo aanan af-kaygga soo marin karayn, oo ahayna wax nin weyni uu ku hadlo oo masuulnimo sheeganayaa, ka sidaas u hadaaqaaya maxaad ka filaysaan? idinka baan idiin dhiibee ee bal maxaad ugu jawaabi lahaydeen Ummad yahay? Cilmiga loo yaqaano ” Cilmi-nafsigga ( ama loo yaqaano Saykoolajiga”), baa wuxu odhanayaa dadku wuxu u kala koraa 3 siyaabood oo kala duwan:-
 
(1) Ka ugu horeeyaa waxa weeye “ Isaga oo qofka jidh-kiisu iska baxo ( (Physical Development)” waxa ka mid ah oo aad arkaysaa, qof aad u da’ yar oo uu jidh-kiisu iska baxay ama koray, oo markuu hadlo, aad odhanayso, bal qofka intan le’egi wuxu ku hadlaayo eega, miyaanu isla yaabayn. sababtu waxa weeye, Jidh-kiisii baa waxa uu ka hor koray, kana dheereeyey, Maskaxdiisii iyo da’diisii, waxana uu odhanyaa Cilmi-nafsigu, kaasi wuxu noqdaa mid dagaal iyo rebshed abuura had iyo jeer, waayo wuxu arkaa cududiisa, markaas buu is yidhaahaa, cid walba waad dili karaysaa, ee meel kaste jiidh, sidaad doontana u hadal, ilayn waxa cajebiyey muruqa yar uu uu isku arkay, maskax celisana ma laha’e iyo da’uu waayo’aragnimo ku barto’e.
 
(2) Ka labaad-na wuxu isna ka koraa ” Maskaxdda (Mental Develoment)” kan maskaxdiisa baa ka hor korta jidh-kiisa iyo da’diisa, markaa wuxu ku odhanayaa Cilmi-nafsigu, wuxu noqdaa qof wax kaste dib isaga taaga, oo aan ku deg-degin, waxa lagu tilmaamaa ” Fulay” oo wixii uu la kulma-ba si weyn buu ugu fiirsadaa, dabeed madaxa baa yaraan ku cadaadda feker awggii, waxa tusaale u ah kan, ” qof yar oo aad hadal-kiisa la yaabaysid, oo aad odhanaysid, bal ilmahan yar iyo murtiduu ku hadlaayo eega isma laha’e, oo ah wax aan isu kaa qabanayn, argaiisa caruurnimo iyo fekar-kiisa oo ah kii odyaasha 70 jirka ah, waayo maskax-diisii baa ka dheeraysay labaddii kale ee kala ahaa Jidhkii iyo dad’diisii oo aan isu miisaanayn ee kala hor koray. waxana uu noqdaa qof degan, laakiin loo yaqaano fulay, oo aan dhibaatadda jeclayn, horena ugu dhiiran ama ugu dhicin si yar oo fudud.
 
(3) Ka 3aad waxa ay yidhaaheen, waxa isu dheeli tiran ama isu miisaaman ” Da’diisii, Jidh-kiisii, iyo maskaxdiisii (Cranological Develobment)” kani waxay ku leeyihiin waa qof caadiya, oo saddex-diisa qaybood-ba, ay mar isla wadda koreen, isuna miisaaman yihiin, wuxu doono wuu u badheedhi karaa, dibna wuu isaga taagi karaa, sidda qodobka labaad, waxana uu noqon karaa qof  shar iyo khayrba leh, sidda qodobkan 3aad ee aad hadda akhriyeyso.
 
Waxan ku soo xidhay qoraalkan, oo aan una soo qaatay maanta, waxa weeye  in aan ummadda u sheego Maskaxdda Maayarka Burco ( Muraad, oo aan odhan karo Waa maraad, ka uu ka yahay saddexdda qodob ee sare ku qoran, iyo nooc-yadda uu yahay. waxa uu u koray sidda uu sheegaayo qodobka Koowaad ( Point Number One) ee sare ku qoran, kaas oo Jidh-kiisii uu ka hor koray maskax-diisii iyo da’diisii, markaa wuxu noqday laguma dhaamee dhaqaaq, ilayn caqli celiya ma laha, ee baaxadda jidh-kiisa uun buu arkaye.
Waxa-se nasiib wanaag ah, Caaqil-kiisii Mudane Caaqil Xandule oo si waafiya ugu jawaabay, ummadana ka shaafiyey, una qabtay 14 maalmood in uu isku soo dhiibo, oo ku soo gallo Xusbiga Waddani, Wuxu yidhi Mudane Caaqil Xandule ” Aniga baa Muraadaw Wax kaa dhigay, oo Xiniinyaha aad ku hadlaysaa, waa kuwayga oo halkaa ku gaadhsiiyey, ummadna faraha kaa saaray, aniga oo moodaayey in aad intaa dhaanto, haddii aanad laba wiig gudahood isku soo dhiibin, waad arki doontaa bal in uu kulmiye 10 ka hello beesha aad tahay, halkaa ha inoo joogto buu Jidhi Caaqil Xandule. Anna waxan ku  sii daray intaa, kuna gaba-gabeeyey “ Wa-taciyahaa udunun Waaciyah” oo micnaheedu yahay “Dhegihii illaah waaniyey baa waansan” ee waa wuxuu kaga duwaa dhegaha Mr Maraad.
 
Qore:- Dr Daacad alle Yaqaan.
daacad1512@gmail.com