Madaxweynaha Somaliland Oo La Kulmay Madaxda Machadka BRENTHURST FOUNDATION Oo Shalay Shir Caalami Ah Ku Qabtay Caasimadda Hargeysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay madaxda Machadka BRENTHURTS FOUNDATION oo ay wehelinayaan siyaasiyiin iyo haldoor kale oo caalami ah oo kasoo qaybgalay shir uu machadku maalintii shalay ka furay caasimadda Hargeysa.
Madaxweynaha, ayaa hoggaanka Machadka Brenthurst Foundation uga mahadnaqay sida ay ugu dhiirradeen inay Somaliland u doortaan inay noqoto dalkii ugu horreeyey Geeska Afrika ee ay shirkan caalamiga ah ee lagaga hadlo arrimaha Afrika ku qabtaan, isaga oo xubnaha caalamiga ah ee daafaha adduunka isaga yimi ee shirka qaybta ka ahaana uga mahadnaqay kasoo qaybgalkooda. Waxaanu Madaxweynuhu ku dheeraaday horumarka ku dhisan iskaashiga iyo wada jirka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xukuumadihii kala danbeeyey ay ku tallaabsadeen ee sababay in maanta caalamku u tartamo Somaliland, haday tahay maalgashi iyo shirarba sidii ay wax ula qaybsan lahaayeen.
Dhinacooda, madaxda Machadka BRENTHURST FOUNDATION, ayaa ka markhaati kacay horumarka iyo dawladnimada ka hanaqaadday Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo ay ku sheegeen inay sabab u tahay inay shirkooda u doortaan Sannadkan Caasimada Somaliland ee Hargeysa, iyaga oo intaas raaciyey inay Somaliland ku arkeen waxyaabo badan oo soo jiitay oo ay ugu horayso nabadgelyada iyo isku tiirsanaanta guud.
Machadka Brenthurst Foundation, ayaa maalintii shalay caasimadda Hargeysa ku qabtay shir caalami ah oo ay kasoo qaybgaleen aqoonyahanno, cilmi-baadheyaal, siyaasiyiin, warbaahin caalamiya iyo haldoor kale oo ka socda in ka badan 17 waddan oo adduunka ah, waxana lagaga dooday Amniga, dawlad-dhiska iyo dhaqaalaha Afrika.
Waxaana Madaxweynaha kulankaasi ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirrada wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Mudane Maxmaed Kaahin Axmed, Warfaafinta wacyigelinta iyo dhaqanka, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Gashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Cateeye, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibeda iyo iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdinaasir Cumar Jaamac ahna ku simaha Wasiirka Arrimaha Dibeda, Agaasimaha Guud ee Arrimaha dibeda, Mudane Maxamed Cabdilaahi Ducaale, La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibeda iyo Siyaasi Baashe Cawil Cumar.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker