Oodweyne News - Latest Somali News Update

GABAY DOQOONIIMO FICILKAA BURMADU DUNIDA WAA U KOW- ISMAACIIL FAALIYE

ACW-salaan ka dib tixdan gabayga ahi waxay ka curatay
qoraal uu rashiid xaaji cabdilaahi oo rashiid gadhwayne
lagu naabaysaa bartiisa facbuuka uu ku qoray oo uu
kaga faaloonayay xasuuqii burma ka dhacay iyo dawlada
ha,carabta ah aniguna markii aan qoraalkaa aan arkay
tixduna iga dhex guuxaysay ayuunbaan odayga hal qab
sigu ila galay waxaanay hawraarti tidhi sida tan
————————————————————————–

 

 

dahrigaaga maankiyo qalbiga waan ku daalacane

waxaad doonto waxaad diidaysaan soo ban dhigayaaye

wax dubaaqa kaa guuxayaan diirka ka cadayne

deebaaq iyo qadhaadh iyo wixii dacar ku saameeya

ama damaqa waan kula qabaa daartay ruuxdaaye

dabuubtaa rashiidoow anoo kula dareemaaya

adna wararkan aad daabacdaan sii durkinayaaye

bal aan dayo godkeedii murtaad dir u lahayd wayne

————————————————————–

haday dunidan door hagi jireen dib dhac wayn gaadhye

islaam waa dulaysnaa halkiyo dirirr isbayntiiye

ka dar dibi dhalkoodii wixii eed isdaba yaalay

ee ay daldalayeen kufrigu madax dalkood joogta

danbiyana ku miiseen rag iyo daalac iyo daano

waar malaha nafsi daahayoo diin sidaa yimiye

ana murugo doodaan u xidhay hadalkii aan daayay

goortaan danabkan ergadoon maqlaan dararshay hawraare

durba faraxa dibnihii u furay deelka maansada,e

diracaa ka soo baxay turkiga waan ku diirsaday,e

cidla dirirrku ku hooray meel aan dagmadu oolin

gudcurr dama habeen dumay cabsaa daris wadaagtaane

sida waa dilaaciyo iftiin nuur dhulka u deeqo

dadna danahay kala leeyihiin hawlo kala doonto

rajabaa dabkiisaa islaam saaray dogob wayne

fasalkiyo dabaylaha wakhtigu waa is daba guure

inskastooy da,daan duul xaqbaan cidi daboolayne

sunii darajo dheer gaadh hal aan laga dabaalaynne

alahayoow dib haw celin furqaan daahirr shamiskeedan

————————————————————————–

afartaasi waa iga duciyo soo dul maris guude

afarr kalena dacalbaa murtida daraf ka sii raacin

—————————————————————–

diir cad iyo madaw iyo halqiga duriyadii aadan

dadku kala xasuuq badan marka uu dagaal dhaco,e

dumarkiyo caruuraha kuwaa duubiyada gooyay

ee sida dugaagg yay lafaha diirtay ee cunayay

ee dibkooda hadii u wadhay bahalo duulaaya

ee dareemo cawsiyo timaha olalka daarsiyay

ujeedadu ma daahnaynn waxay maati dubayeene

bara kicintu diintay ahayd dabarr jarkeedaase

doqoniimu ficilkaa ku dhacay damacan yaab keenay

dooxatadan butiiskii burmadu dunida waa u, kow

daayinkeen masaa,iib deg daga haw abaal mariyo

———————————————————————

dayar kalena waa iga dareen gocosho dooceede

—————————————————————

duqii waa il dheeree maxamed duub cas kiciyiiye

waaguu daraawiish sayidki gaylan dirirsiiyay

armooy carabi ciidan soo dirtaa diinta daaface,e

hiil u dayo ragbaa yidhi talana taa u door bidaye

isna eray diwaan galay tixbuu dabucuu dhigaye

dumarbuu ku sheegay iyo haween aan dagaal gayine

ficilkooda wuu duray markuu soo darsuu helaye

taariikhda duugii gadaal way is dib celisaaye

dubaaquu xusuus galin midhkii, uu hal-door bixine

duryanbayse qaar moodayeen dulucdii weedhaase

daliilkeeda maantay wax garad doodan qirayaane

dulmi kama diqoon iyo rohinga loo gaf dilayaaye

hadalna wuu dawaynaa malaha loogu diir naxo,e

diidmadiyo canbaaraynta iyo duurxulkaa dan ahe

damqashiyo dixaan-dixu islaam waa dabciga guude

dhacdadaa darnaatiyo falkaa aamus door bide,e

damiir noolba carabtii dhamayd dawlad laga waaye

doolarkooda kufrigaa hantiya dahabka maalkooda

dooxiyo khaliijkuna mudaba way isku dudayeene

hadba kaarto loo soo dagaa loo dajinayaaye

sac bul wananka waa lagu dalbaa laysku dirayaaye

baryo dibidii aar qaybshayee daaqa kala geeyay

ee duhur dharaareed libaax kaga dayaansiiyay

sadexdiina darabtooda wadhay daacuflii cunayay

islaamadan marka aan dayeen kaligay daymoodo

taabtaa weeye dayacay yihiin gaalna dabayaaye

daayinoow na daba qabo ducaan kaa duraansadaye
———————————————————————
waana kan qoraalkii uu Rashiid gadhwayne facbooka soo
dhigay
————————————————————————–

Raash Abdullahi
September 16 at 9:26pm ·
Waxaa igu maqaale ah in saxaafada Sucuudiga Qaar ka mid ahi wax saareen dadka

muslimiinta Burma lagu xasuuqayo, la na saafteen dawladda Burma. Waxaan magaceeda

maqlayey Jariidada la yidhaa Cukaad ee talow maxaa ka jira? Yaa ka war buuxin karaa oo

Sucuudiga jooga? Ma run baa mise waa been talow? Allow ay been noqoto.

———————————————————————–

SAYID MAXAMED CABDILE XASAN IYO HAL QABSIGIISII HORENA
WUXUU YIDHI
————————————————————————————
cudud ma leh col kula weerar gala ciidan iyo xooge
inkastooy cid kuu soo diraan waa cidloo kale,e
madaxiyo calooshay sidii dumar cantuugaane
maandhoow cayaayirka iga daa carabi waa naage.

CURIYE ISMAACIIL IBRAAHI YARE facbook ismaaciil faaliye