Oodweyne News - Latest Somali News Update

Maxaynu ugu baahanahy Beerta Kalluunka (Fish Farms)?

Iyada oo uu kalluunku yahay mid kamida cuntooyinka dadka adduunku badanaa jecel yahay, haddana baahida loo qabay kalluun badani way laban laabantay 50 sano ee u dambeeyay sida ay sheegen Guddida Badda Adduunka (Global Ocean Commission). Dhismaha beeraha kalluunku waxay si joogto ah u kordhaysay ilaa 1950 kaasi oo kab dhaqaale u ahayd dalal badan oo uu China u horeeyo.

Beeraha kalluunku waa goob biyaha badda lagu kaydiyo, taasoo lagu dheeli tiro dhammaan waxyaabaha muhiimka ah ee nolosha kalluunka lagama maarmaanka u ah sida cuntada uu kamidka yahay ubax badeedku (phytoplankton) taaso aasaas u ah kotitaanka kalluunka, heerkulka biyaha berkada, xadiga milixda biyaha ku jira iyo dhammaanba xaaladaha kale ee isku dheelitiraya jiritaanka nololeed ee kalluunka. Haddaba, in kastoo beeraha kalluunka laga dhex sameeyo baddaha guhohooga, waxa aad u caan ah, faaiidana leh in beeraha kalluunka laga ag sameeyo xeebaha si biyaha badda si fudud loogu soo qaado halkaasna ay ka helaan dhammaan cuntooyinkii isku dheeli tirnaa. Beeraha kalluunku waxay hoos u dhigayaan kalluumaysiga xad dhaafka ah ee lagu dabar goynaayo noocyo gaar ah oo kalluunkeena kamida ah sida taraaqada, iyo gaxashka kuwaas oo dadkeenu aad u jecel yihiin.

Su’aasha iswaydiinta mudani waxa weeye- maanta maxaynu ugu baahanay beero kalluunka lagu dhaqo? Si aan jawaab buuxda u helno waxaynu dib ugu noqonaynaa xaaladaha dhaqaale ee dhabta ee ka taagan dalkeena maanta; xaaladaha bulsheed iyo waliba xaaladaha deegaaneed ee la xidhiidha ilaalinta khayraadka badda. Ugu horayn waxaynu dhaqaalaha kasoo baxa beeraha kalluunka u adeegsanaynaa inaynu ku kabno dakhliga guud ee miisaaniyada sanadkii taaso waxtar badan u noqonaysa mashaariicda horumarineed ee dalka sida waxbarashada, tamarta, caafimaadka iyo adeegyada kale ee dadka. Ta labaad beeraha kalluunku waxay daboolayaan baahida cunteed iyaga oo helaaya kalluun jaban oo barootiin (protein) ku jirto taasoo u wanaagsan koritaanka jidhka iyo maskaxda. In kasta oo aan lasoo koobi karayn faa’iidada beeraha kalluunka ee dalkeena, waxan kuso gebo gebayn lahaa in goobaha noocan oo kale ahi ay hoos u dhigayaan dabar go;ii lagu hayay kalluunka noocyadii sare kusoo xusnay, waxanay badbaado u yihiin koboca khayraadka badda ee dalkeena taasoo isku dheeli tiraysa kala duwanaanshaha iyo jiritaanka waaraya ee noocyada kalluunka ku nool baddeena.

Si kastaba ha ahaatee, iyada oo aan marna lasoo koobi karayn maxsuulka wanagsan ee beeraha kalluunka, waxa haddana jira dhibaatooyin badan oo lala xidhiidhiyo beeraha kalluunka oo ay kamid yihiin: in cuduro ay ku fidaan beeraha iyaga oo si degdega iskugu gudbinaya cudurka maadaamo goobta lagu dhaqayo kalluunku ay yar tahay. Waxa kale oo dhici karta in dulin uu ku dhasho beerta dhexdeeda haddii si joogto ah loo nadiifin waayo, tanina waxay dhaawac dhaqaale ku keenaysa cidda gaarka u leh beeraha kalluunka. In kasta oo laga yaabo in goobahani ay shaqo abuur u yihiin dhalinyarada Somaliland ee dalka u soo kacaysa, waxa haddana laga yaabaa inay khilaaf ku keeni karta kalluumaysatadii ka kallumaysan jirtay badda ee aan xirfad iyo dhaqaale toona u haynin samaysashada beero kalluun.

Qalinkii: Maxamed Rashiid Xuseen

Tlilfoonka: 252 63 4002027

Ciwaanka: mohamedashid402@gmail.com