Oodweyne News - Latest Somali News Update

Al Shabaab Oo Ku Baaqday in La Dilo Nin Ku Gafay Nabiga SCW Ee Ku Nool Magaalada Gaalkacyo.

Gaalkacyo(OWN)- Ururka Al Shabaab ayaa ka hadlay Nin lagu magacaabo Sheekh Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare oo dhawaan ku gafay Nabi Muxamed SCW kaasi oo ku nool magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug Bartamaha dalka Soomaaliya.
Sheekh C/qaadir Abuu Cadnaan oo ah ka tirsan Ururka Alshabaab ayaa sheegay in waxa kaliya ee Ninkaasi mudanyahay ay tahay dil iyo in nafta laga gooyo ”  Xukunka Ninkaas wuxuu Kitaabka alle ku xukumay dil, insha’allaah Ninkaas iyo madaxiisa iskuma oollayaan, Muslimiinta Ninkaas waxaa uga yaal in ay madaxiisa kala gooyaan, Dadka muslimiinta ah waa in aysan kaleexan haddii ay fursad ku helaan Ninkaas oo ay dilaan” ” ayuu yidhi Abuu Cadnaan.

 

 

Halkan hoose ka dhagayso waraysigaas Alshabaab