“Doorasho dambe kama dhaceyso Teendhada Afisiyooni..”Madaxweynah Somaliya Xasan Shiikh

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud oo ka qeyb galay munaasabad lagu boggaadinayay Guddiyadii ka soo shaqeeyay Doorashadii dalka ayaa ka hadlay arrimo badan oo maamulkiisa uu wax ka qaban doono inta ay talada joogaan.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa sheegay in qorsheyaasha ugu horreeya ay fulin doonaan uu noqon doono meel marinta Dastuur la isku waafaqsan yahay oo dhinacyada Bulshada ay heshiis ku yihiin.

“Inta dastuurku qabyo naga yahay, siyaasiyan heshiis ma nihin weli, maalinta Dastuurka ka heshiino, waa marka Siyaasadeenu xowliga sare ay ku socon doonto, meeshaas ayaana u soconnaa” ayuu yiri Xasan Shiih Maxamuud.

Sidoo kale, waxaa uu ballanqaaday in Doorashada 2026 ee Madaxweynaha aanan dib loogu noqon doonin teendhada Afisiyooni oo hore ay uga dhaceen Doorashooyinkii Madaxweybaha.

“Ballanteena caawa aan shacabka Soomaaliyeed aan ka codsanayo in ay nagu garab siiyaan, waa in 2026 ilaahey idinkii aan Teendhada loo noqonin” ayuu Madaxweyne Xasan Shiikh.

Isaga oo sii hadlaya ayaa waxaa uu yiri “Doorashada soo socota tuulooyinka iyo magaalooyinka ayaa lagu soo dooranayaa xildhibaannada, waana ka gudbinayaa in caasimadaha maamullada

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker