Tunisia: in ka badan 600 oo tahriibe oo la la’yahay 3-dii bilood ee ugu dambaysa

Hay’adda caalamiga ah ee socdaalka dunida ee IOM ayaa sheegtay in la la’yahay illaa 600 oo muhaarijiin ah oo isku deyayey inay tahriib ku galaan wadamada Yurub, saddexdii bilood ee ugu dambeeyey. Tahriibayaashan ayaa ka safray xeebaha dalalka Tunisia iyo Liibiya.

Toddobaadkan gudihiisa waxaa la soo sheegay in doon ay saarnaayeen tahriibayaal kala duwan oo ka safray xeebaha dalka Tunisia inay ku qarqoomeen meel u dhow jaziiradda Kerkennah ee ku taalla dhinaca koonfur-bari ee dalka Tunisia.

Hay’adda socdaalka dunida ee IOM ayaa ku soo waramaysa in doonta degtay ay saarnaayeen in ka badan 100 qof, taas oo la soo badbaadiyey oo keliya 30 qof, halka weli la’yahay illaa 75 tahriibe, kuwaas oo aan weli la garanayn meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.

Cutubyo ka tirsan ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Tunisia ayaa haatan wada baadigoob ay ku raadinayaan inay helaan tahriibayaasha maqan. Maalinimadii Arbacada ee toddobaadkan, waxaa la soo badbaadiyey illaa 110 tahriibe oo ka booday doontii ay saarnaayeen oo cilladi ay soo foodsaartay.

Marinka biyaha badda ee Mideterranean-ka ee isku xidha Afrika iyo Yurub ayaa ah goob ay sannad walba ku nafwaayaan tahriibayaal doonaya inay safar dhinaca badda ah ku gaadhaan wadamada Yurub iyaga oo raadinaya inay helaan nolol ka wanaagsan tan ka jirtay dalalkii ay ka soo carareen.

Associated Press

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker