Oodweyne News - Latest Somali News Update

Dabuubta Iyo Maankaan La Wadaagey Su,aalo Door Ah, Maxaad Ku Dooratey Hogaaminta Dalka Ee Dirrac Muuse Biixi Cabdi ??? Qalinka: C/rxamaan Sayid Faarax (Jeesto).

Anoo  nafteyda  la  wadaagaya  wada  sheekaysi  iyo  is  weydaarsi  Su,aalo  Logic  ah  ayaan   ka  duulay  qodobka  doorashada  ama  garashada  aan  ku  go,aansadey  Inuu  noqdo  Maxadweynaha  Jamhuuriyada  Somaliland  Mudane  Muuse  Biixi  Cabdi,  Kaasoo  noqdey  qaraarkii  ugu  danbeeyey  een  qaato  sanadkan  gudihiisa   anigoo  waliba  u  fikiraya  si  ay  dadka  iyo  dalkuba  u  Helaan  Good  Governanceka,  Dawlad-wanaag  waxa  la  yidhaahdo  amaba  fahanka  iyo  garashada  dawladnimada  sababtoo  maanta  dawlad  iyo  shicib  lama  kala  aha ,  Sidoo  shakhsi  iyo  siyaasi  lama  kala  aha  taasaa  wacdey  iyo  naaqishaad  qodobo  jidka  ku  soo  jira.

1:  Su,aal  : Maxaad   Ku  Dooratey  Muuse  Biixi  Cabdi  Madaxweynenimadiisa  Dhinaca  Hagista  Iyo  Hogaaminta  Dalka?????????.

Jawaab:   Waxaan  ugu  cugtey  ama  aan  ku  xushey  Hogaaminta  dalka  iyo  in  lagu  aaminoba  Mujaahid  Muuse  Biixi  Cabdi  Waa  indheer-garad  horta  dadka  kala  yaqaana  oo  daaqsin-geelna  ka  Il-duufa  tanina  waa  rukunka  ugu  horeeya  ee  Hogaamiyaha  waayo  hogaamiyuhu  wuxuu  wataa  ah-daaf  iyo  ujeedooyin  cad  oo  meel  xeel-fog  ka  soo  shidaal  qaata,  Waxa  kuu  faaqideysa  aregtida  Mr.  Fredic  H.  Taylor  Management  Scientist  Ee  Leadershipka  (  Every  Leader  Have  A  Goal,  And  It,s  Goal  Have  An  Objective  Map,  Also  Have  A  Star  As  Well  Objectives  Have  A  Vission  And  Mission  That  Influence   Your  Effiency)  Taasoo  macnaheedu  yahay  hogaamiye  kastaa  waxa  uu  leeyahay  Hadaf,  Xidig  uu  ku  daydo,  Hadafkiisuna  ujeedo ,  Ujeedaduna  waxay  leedahay  aragti  iyo  sawir  fog  iyo  mid  dhaw  oo  la  taaban  karro  ama  la  suurta-galin  karo  sida  ugu  fudud.

2:  Su,aal:   Musharaxa  Xisbiga  Kulmiye  Mudane  Muuse  Biixi  Cabdi  Waa  Nin  Adeg  Hadaba  Maxuu  Dalku  Uga  Baahan  Yahay  Nin  Adeg  Ileyn  Hogaamintu  Waa  Aregti  Jicilsanaan  Iyo  Dhibir-sanaanta  Oo  Vission  Kaliyaata  Laysu  Dabaalee?????????????.

Jawaab:  Waxaan  ugu   baahan  nahay  nin  adeg  xiligan ama  amintan  aan  ku  sugan  nahay  Horta  waxa  loo  baahan  yahay  cadaalad  iyo  sharcigu  iney  shaqeeyaan  kuwaasina    waxa  fulin  karaya  nin  ku  dhac  leh,  aan  gabaneyn,  aan  shaqooyinkii  hore  ee  u  qabtay  nimaan  ku  jicilsaneyn  kaasina  waa  Muuse  Biixi  Cabdi,  Midna  waa  qalad  nin  adegi  waa  hawl-karka  shaqadiisa  ka  adeg  ee  ma , aha  Nin  qalafsan,  Axmaq  ah,  Arxan  daran,  Balse  waa  halyeyga  halka-adeg  ee  go,aan  qaadashada  geesinimada  leh  waa  kan  ku  suntan  ee  ma  noqonayo  nin  aan  laheyn  Bina-aadantimo  iyo  naxariis,  Isku  wada  xooriyoo  waa  nin  shaqadiisa  ka  adeg,  Cadawgana  ka  adeg,  Cisiyo  shafar-xumo   qarana  ka  adeg  Ee  Maaha  nin  dadkiisa  ,  maatidiisa  iyo  daa,imiinta  u  ad-adeg  waa  Daalin  u  adke  iyo  Hal-doorka  maanta  ay  Somaliland  tabeyso.

3:  Su,aal  :  Culuuntiisu  Waa  Acadamic  Of  Milatery , Markaa  Ma  Dagaal  Baan  Galeynaa  Waa  Maxay  Sababta  Ama  Baahida  Milateri  Inoo  Hogaaminayaa,  Mise   Cid   Kalaan   Weyney???????.

Jawaab:  Dabcan  culuuntiisu  waa  milatarinimo  ,  Milatariguna  waa  astaanta  kala  danbeynta  ama  waxan  la  yidhaahdo  (Management  Disciplineka)  waa  ka  lagu  cabbiro  kala-danbeynta  maamulka  marka  laga  sheekaynayo  maamul  iyo  hagid  ,  Shey  kasta  askertaa  ka horeysa  xaga  hab-maamulka  markaa  taasu  waaba  hal-beegeeda,  Tani  kale  milatarigu  waa  hogaamiyayaasha  dunida  inteeda  badan  soo  dhisey  soo  gacan-qabtey,  waxaan  arkaa   qaar  yidhaahda  waa  askeri,  walayaal   ninka  askeriga  ah  waxa  uu  badali  karro  ma  baddali  karaan ,  Civil  Leadershipku  ama  Diplomatic  Leadershipku,  Halkaasina  waxa  cadaatey  inuu  yahay  Milatery  Leadershipku  kan  ugu  mudan  dunida  waayo  ninka  aqoontaa  lihi,  waxa  uu  dhisaa  Shaqaynta  Awaamiirta,  Socodsiinta  Dawladnimo  Kala  Soocan  Oo  Leh  Shicib  Iyo  Dawlad  Sida  Qofka  Askariga  ahi  u  yahay  Askeri  kan  Shicibka ahina  wuu  Shicibka  U  Yahay,  Run  weeyi  dagaal  ma  galayno  laakiin  waxaan   nahay  dawlad  yaroo  curdin  ah  oo  la  yab-yabayo  markaa  waxaan  leenahay  cadaw  fara-badan  markaa  waa  deyrkii  cadawgaasi  iyo  dhamaan  cawaaqib-xumoo  dhan.

4:  Su,aal:   Qodobka  Ugu  Muhiimsan  Ee  Dawlada  Hogaamiye  Muuse  Biixi  Cabdi  Muxuu  Noqon  Karaa  Adigoo  Koobsanaya  Dhamaan  Arkaamaha  Ay  Dawladnimadu  U  Dhimatey   Ama  Ay   Muhiimka  U  Tahay??????????>

Jawaab:  Waxaan  jecelahay  dawladnimadu  iney  shaqeyso  oo  amerku  meel-maro  taasina  isagaa  fulina  hogaamiye  muuse,  Waxaan  jecelahay  midnimada   iyo  horumarka  wada  jir loo  gaadho  dhamaan  umada  reer  Somaliland   taasaan  ku  helayaa  xataa  waxaan  u  jeelan  nahay  oo  ah  Ictiraaf  Caalamiya  oo  qaranku  helo  runtiina  waxaan  ka  helayaa  dawlada  aragtida  fog leh  ee  uu  gadh-wadeenka  ka  yahay  Hogaamiye  muuse  biixi  cabdi,  Waxaan  jecelahay   jecelahay   inuu  sii  socdo  horumarka  iyo  balaadhan  eey  maanta  Somaliland  ku  talaabsatey  gude  iyo  dibbadba  taasina  waxa  sii  wadi  kareysa  dawlada  hogaamiye  muuse  biixi  cabdi,  ma  doonayo  inay  Somaliland  hoos  u  dhacdo  waa  halkay  u  dhimatey  dawladnimaduye  ,  Xaqiiduna  waxay  tahay  nin  qaawan  oo  cusubi  waxba  ma  soo  sido,  waxba  ma  baddeli  karro,  cidna  waxba  ma  tari  karo  Aminbey  qaadaneysaa  inuu  lafahiisa  ku  mashquulo,  markaa  Sad  iyo  Soor  La  Cunaba   Waxa  Inoogu  Horeeya  Oo  Inoogu  Dhaw  Xeedhada  Waxa  Maanta  Inoo  Saaran  Gunteeda.

Qalinka:  C/raxmaan   Sayid   Faarax  (Jeesto).

Diplomatic  Annalysts.

Gabiley/Somaliland.