Oodweyne News - Latest Somali News Update

Wasiirada Siilaanyo ee Dekeda Jamaal Cali ka soo baanayaa, Dekedii Berbera ayaa is xidhay, ee Berbera & Dubai miyey kala garan waayeen Mise

Qofka Bani,aadamku haduu intuu xaaraan dhaansado, oo weliba ku faano oo Umada & Ilaahayba ka

xishoon waayo waa sida Siilaanyo & Xukuumadiisa wada xaaraanta daaqa ee xalaashaba aqoon, ee

hadana ku faanaya, bal Wasiirka maaliyada & Wasiirka Qorshaynta Dekedii Berbera ayaa albaabada

loo laabay oo Ganacsatadii qayladoodii is gaadhay, ayey intay tigidho goosteen ka hilaaceen Imaaraadka

& Deked Wadan kale ooy ku andacoodeen waanagaa Koofiyadii Birta ee ganacsatada Somaliland ka

cabanayeen ee erbera gashan, ee maxay Berberi kaga duwan tahay.

Horta Somaliland Shicibkeeda Habaarka ku dhacay ee Siilaanyo & xukuumadiisa Kulmiye ayaa qaarna

tigidhadoodii iska goosteen, oo Dalxiish & Tamashle debedaha ugu baxeen, qaar Xaqii Umada & qaadhaankii

Abaarta Xajka ku tageen, intii Kale ee Siilaanyo ku jirana Xaflado Hargeysa & Maansoor Huteel ku

Mashxaradayaan, kuna baashaalayaan.

Sidaas darteed, Shicibkii & danyartii, Sixir-barar, Gaajo & dhibaato ayaa haysta, Siilaanyo kama hadlo, kama

damqado, Dekedaa la soo oodey ee qaylada Ganacsatadi is gaadhay, Sixir-bararka Doollarkii cirkaa maray

kama hadal, qabyaalada & hanti-boobka & Xoola urusiga kuma hadal, Laakiin Xisbigii Kulmiye & muuse ayuu

Hambalyo & faan Umada la hor yimid.

kolkaa Siilaanyo & wasiiradiisu waa kuwaa Shicibkii oo bakhtigi xalaal u yahay, Dekedii xidhantahay oo

intay Xaqul-Qalin 15.000.000.00 ka qaateen kolna tigidho u raaca Iimaaradka , oo imkakaba Wasiirada

aad moodo inay Shicibka & Dekeda xidhan ku diganayaan ay iska soo duubeen, waanagaa Dekeda Jamaal

Cali xidhan koofiyadii & kabihii ay Ganacsatadu diiday, oo Maxay Dekedii Berbera uuga soo muuqan waay-

een, ilayn Dekeda Shicibka & Ganacsatada Somaliland kamay caban, ee Ta Berbera ayey ka cawdeene.

Kolkaasi Shicibka somaliland & dekedii Berbera, Wasiirada Maaliyada & qorshaynru, Ma Iimaaradka & Dekeda

Jamaal Cali ayey moodeen inay ka cawdeen, ilayn waa kuwa Dekedaasi Xayeysiinayee.

Shicibka Somaliland haka quustaan Siilaanyo & kulmiye oo hadana cod ka doonaya, Berbera oo Dubai uula

ekoonaatay, oo halkay Berbera uuga hadli lahaayeen Dubai uuga soo hadlay.

wabilaahi awfiiq.

 

 

Asha Jama