Oodweyne News - Latest Somali News Update

Ganacsato Soomaali Ah Oo Boob Loogu Geystaydalka Koonfurta Afrika

Capre Town(OWN)- Shacab Koonfur Afrikaan ah oo gadoodsan ayaa habeenkii xalay ahaa boobay goobo ganacsi oo ay lahaayeen muwaadiniin Soomaali ah oo ku yaalay xaafad lagu magacaabo Paarl oo qiyaastii 40 km u jirta magaalada Cape Town ee Dalka Koonfur Afrika.

 

 

Wararku waxay sheegayaan in cadhadani ay ka dhalatay kadib muran gacan ka hadal sababay oo dhexmaray mid kamid ah Soomaalida ku nool deegaankaasi iyo dad kale, waxaana markiiba isku bedeshey in bood iyo dhac loo geysto goobo ganacsi oo ay lahaayeen muwaadiniin Soomaali ah.

 

 

Waxaana ay Ciidamada Police-ka ay gaadheen goobta uu falka ka dhacay,waxaana u suura gashay in ay xakameeyeen rabashadaha ka dhashay arrintaasi wallow aan la ogeyn ilaa iminka cid loo soo qabtay falkaasi.

 

 

Dukaamada la boobay oo ah saddax ayaa waxaa la sheegay in uu ku jiray dukaan lagu iibinayay alaabaha jumlada ah ee lagu iibiyo dukaamada yaryar ee Soomaalida ku leeyihiin tuulooyinka hoos yimaada xaafada Paarl ee magaaladaasi Cap Town ee Dalka Koonfur Afrika.

 

Untitled

Oodweynenews Muqdisho