Oodweyne News - Latest Somali News Update

UJEEDDO/ KA JOOJIYA KALA QAYBINTA IYO QABYAALAD KU DHEX ABUURKA IYO XILBEEN AH KU MAXAAFSIGA IWM. XUSBIGA KULMIYE LAANTIISA DALKAN HOLLAND

Anigoo Gudoomiyaha xusbiga kulmiye ee dalkan holland khadar suleiman (xasancade}

Tixraacayana ujeedda kor ku xusan kuna saabsan  waqtigan dalka guud ahaan doorasho kusoo soo socoto loona baahan yahay xusbi ahaan inaan kaalinta sare ee siyaasadeed dib u hananano si aynu uga midho dhalino hadafkii fogaa ee dalkan iyo shacabkiisuba tamaniyayeen mudda dheer ee 26 sano ah.

Iyadoo guud ahaan fariintani ku  socoto dhamaan  taageerayaasha xusbiga kulmiye sidii caadada iyo dhaqankaba idiin ahaanjirtey,inaa ahaataan kuwo indho hoodu furan yihiin dhigohooduna la mid yihiin si aan uga gudubno ,kooxdan la magac baxday kal waalan oo caana galeen kas ma galo  iyo unuga ilka laawayaasha ee daba jooga oo mudooyinkan danbe ku hawlanaa  hagardaamada iyo kala qaybinbta XUSBIGA KULMIYE EE DALKAN HOLLAN.

Mudanayaal iyo marwooyin

Sidaa la wada socotaan xusbiga kulmiye,maaha mid maanta  laga aas aasay dalkan holland waa xusbiga ugu faca weyn dalkan isaga ah ee aynu ku noolahay, weligiina wax qabyaalad iyo is qabqabsi toona masoo marin

kamana dhicin.

Ujeedda ugu weyn ee su,aashani leedahay waxay tahay kooxdan dihaalaka qabtaa xagay ka socodaan maxayse ujeeddaan inay ku soo kordhiyaan xusbiga  hadayse yihiin kuwo caafimaad wada maxay daaqada uga soo daadanayaan oo u diidey inay albaabka soo garaacaan oo si normala looga furo dabadeedna ay u sheegtaan waxay ujeeddadoodu daaran tahay si laysula eego wixii suurto gal ahna loo wada qaato.

FIIRO Gaar ah.

Dhamaan taageerayaasha xusbiga kulmiye ee dalkan holland waxaan uga digayaa inay ka qayb galaan shirka ka dhici doona magaalada UTRICHT  30/09/2017 kaas oo ah mid lagu wiiqayo xusbiga kulmiye oo  caadifad iyo qabyaaladna xanbaarsan anigoo ah gudoomiyihii xusbigana maan ansixin raalina kama ihi in waqtigan xusbigaygii reer,reer loo kala googoosto.

Kooxdaa daa  aan magacyadooda kor ku soo xusayna waxaan ugu baqaaqi lahaa inaanay noqon shinbirtii habeenka dabka qaaday  ee buulkeedii dhashu u taaley ku gubtey, ee ay shacabkooda  iyo taageerayaasha xusbiga dhinac ka raacaan.

 

 

guud ahaan iyo gaar ahaanba,  somaliland guul iyo gobanimo

Gudoomiyaha xusbiga kulmiye ee dalkan holland

Xasancade.