Oodweyne News - Latest Somali News Update

Bulshada Degaannada Xabkaha Beeyada Waqooyi/Bariga Ceerigaabo Oo Walaac Kamuujiyey Macaammilka Ganacsiga Shirkadda Asli Maydi Eedaymona Usoo Jeediyey

 

 

Ceerigaabo(OWN) Bulshada manaafacaadsata Xabkaha/Faleenka gaar ahaanna Beeyada ee Degaannada Magacsan,Hasasha, Garad iyo meelo kale oo si goonni-goonnni ah warbaahinta qaarkeed ulasoo xidhiidhay ayaa waxay walaac kamuujiyeen sida loogu kalsoonaan karo macaammilka Shirkadda Xabkaha/Faleenka ka ganacsata ee Asli Maydi, kuwaasoo sheegay inay u muuqato shirkaddani mid rabta keligeed inay si gaar ah (Kooto) kuqabsato xabkahooda taasoo haddii ay u suurtagasho aan lasii saadaalin Karin mustaqbalka suuqa beeyada iyo sida uu ku danbayn doono.

 

Waxay sidoo kale shirkaddan Asli Maydi ku eedeeyeen inay daaha dabadiisa ka hoggaaminayo arrimo ay kamid yihiin warbixino hore warbaahinta caalammiga ah ee adduunka qaarkood lagu faafiyey oo sheegayey in dhirta/geedka Beeyadu uu dhintay/qallalay, iyo sidoo kale wakaalad aan hore u jiri jirin oo dhowaan xukuumaddu u samaysay xabkaha iyo weliba nin caddaan ah oo dhowaan gobolka laga masaafuriyey kaasoo sida lashegay kasocdey shirkad (Company) caalammi ah oo kamid ah Shirkadaha suuqyada debedda marka loo dhoofiyo xabkahan iyaguna iibsan jirey, iyagoo intaas kudaray inay jiraan ballaamo badan oo shirkaddan Asli Maydi dhinaca maalgelinta xabkaha kula gashay bulshada balse u fuli waayey sidii la isugu ogaa.

 

“Asli Maydi hore waxay dacaayad uga fidisay beeyada oo tidhi geedkii baa qallalay, waxannuna taas u arkayney mashruuc dhaqaale ay meelo kale kaga raadinayso, haddeerna Moxorka Jaf-joogga ah ee ay tidhi waan sii maalgashanayaa wixii ay dadka kula ballantay kama fulin heshiiskeedana tashi danbe baannu ka yeelanaynaa”. Sidaas waxa yidhi Maxamuud Yuusuf oo kamid ah  guddida kaltanka beeyada degaanka Hasasha”.

 

“Wakaaladda lasheegayo in beeyada loosameeyey iyo ninka caddaanka ah ee layidhi gobolkaa laga masaafuriyey oo nalaku yidhi waa Kembeniyadii debedda beeyada marka la dhoofiyo ku iibsan jirey waxaasoo dhan iyo waxyaabo kaloo aannu ka aragnayba waxannu leenahay waa wax lagu xakamaynayo beeyadayada, annaguna sidaas waxba kulama geli karno shirkaddaase beeyadayada halkii aannu doonno baannu ka iibinaynaa”. Sidaasna waxa yidhi Siciid Axmed Faarax iyo Xaamud Faarax oo kamid ah milkiilayaasha beeyada Magacsan iyo Garad.

 

Dhinaca kalena waxa beryahanba magaalada Ceerigaabo iyo meelo kaleba jirey hadallo kooxo iskagasoo horjeedaa aragtiyo ku aaddan shirkado beeyada ka ganacsada ay warbaahinta isu marinayeen.

 

Sikastaba ha ahaatee waxa aan qarsoonayn in Shirkadda Asli Maydi tahay muddooyinkan danbe mid xaalad abuur fara badan iyo arrimo siyaasadeed oo aan hore loogu aqoon kusoo kordhisey nidaamkii ganacsi ee beeyada, taasoo sababi karta carqalado soo foodsaara guud ahaanba suuqa xabkaha/faleenka gobolka Sanaag oo ah badeecad kaalin weyn kaga jirtey waxyaabaha ay kutiirsan tahay nolosha bulsho aad u tiro badani.

Capture

Qalinkii: Weriye-Darwiish

Tell: 063 4475343

 

Oodweynenews.com/Ceerigaabo