Oodweyne News - Latest Somali News Update

Khilaaf Ka Dhex Aloosan Musharaxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Iyo Xoghayaha Guud Ee Xisbigaasi Iyo Halka Uu Salka Ku Hayo + Xoghayaha Oo Ka Hadhay Safarka Gobolada Galbeedka Khilaafkaasi Awgii

Khilaaf Culus ayaa maalmihii u dambeeyay ka dhex aloosan Gudoomiyaha, Ahna Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf, Waxaanu Khilaafkaasi sababay in Xoghayuhu ka baaqdo oo uu ka hadho Waftigan Hadda ay Masuuliyiinta sare ee Kulmiye ku marayaan Deegaamo ka tirsan Gobolada Galbeedka Somaliland.

 
Warar ayaa shaaca ka qaaday in Khilaafkani ka dhexeeya Musharax Muuse Biixi Cabdi iyo Xoghaye Xasan Siciid Yuusuf uu salka ku hayo Arimo maamul oo Xisbiga Gudihiisa ah, islamarkaana uu hadda meel adag marayo uu ifka u soo baxay,waxaanu,sida wararku nagu soo gaadheen,uu khilaafkani Cusubi hadda ka bilawday oo uu salka ku hayaa Qaabka iyo cidda maamulaysa Xarunta dhexe ee Xisbiga KULMIYE Ku leeyahay Magaaladda Hargeysa oo mudooyinkii u dambeeyay ama bilihii u dambeeyay xidhnaa oo aanay shaqo fiicani ka soconin,Waxaanay taasi sababtay inay labadan masuul kala xidhiidh furtaan oo la furdaamin kari waayo arimaha ay isku seegan yihiin iyadoo wararka qaar ay sheegayaan inuu Xoghaye Xasan Siciid ka duday guud ahaan Xisbiga islamarkaana aanu kaba soo xaadirin hawl maalmeedka Xisbiga.
Xogaha Uu Wargeyska Foore ka helayo arintan ayaa intaasi ku daray in isaseega hadda uun soo ifbaxay ee u dhexeeya Musharax Muuse Biixi Cabdi iyo Xoghaye Xasan Siciid si rasmi ah uga abuurmay kadib markii uu dhawaan Xoghaye Xasan Siciid Masuul cusub u magacaabay Maamulista Xarunta dhexe ee Xisbiga kulmiye arintaasi oo aanu wax talo wadaag ah kala yeelan sida la sheegay Musharaxa,taasina ay keentay in kooxo awood baddan oo ku xidhan musharaxa Xisbiga kulmiye Muuse Biixi ay ka biyo diidaan talaabadda uu qaaday xoghaye Xasan Siciid ee uu maamulka cusub ugu magacaabay Xarunta dhexe ee Xisbiga islamarkana ay kooxdaasi dacwad ka dhan ah xoghayaha gaadhsiisay Musharaxa Muuse Biixi Cabdi,waxaanay arintaasi keentay inay si toos ah iskugu dhacaan Muuse Biixi iyo Xoghaye Xasan Siciid kadib markii ay isku afgaran waayeen Qorshaha Nidaamka maamul ee Xarunta dhexe oo uu Xasan Siciid rabay inuu awood badan ku yeesho Xaruntaasi islamarkaana uu kaga bad baado kooxo kala duwan oo ku hirdamaya kalsoonida iyo ka agdhawaanshiyaha Musharax Muuse Biixi kuwaasi oo shiiqiyay islamarkaana cagta ku badiyay Masuuliyiintii kale ee Xisbigaasi ee Shaqada Xisbiga Wada ee xilalka ka haya.

 
Sikastaba hanoqotee, majiro war rasmi ah oo Xisbiga ka soo baxay oo tibaaxaya Khilaafkan Musharaxa iyo Xoghayaha u dhexeeya balse waa arin caam ka ah islamarkaana si weyn uwada gaadhay maalmihii u dambeeyay Xisbiga Kulmiye Gudihiisa. Iskuday badan oo aanu xalay samayn si aanu wax uga waydiino Xisbiga Kulmiye waa ay noo suuragali waayeen kadib markii aanu dhawr jeer garaacnay Telefanka Xoghaye Xasan Siciid islamarkaana uu naga qaban waayay.

 

 

@ Wargeyska Foore