Oodweyne News - Latest Somali News Update

Xildhibaan Axmed Yasiin “Xaasha’e nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaabe” Saylici waxtarkii axmed yasiin ugaysta ma wax u noqday in uu ka qaado “SAYLIC SYNDROM “

Waxaa maanta magaalada Borama ka dhacday , waxay ahayd shimbirayohow heesa, soo dhawayn loogu talo galay Xildhibaan Axmed yasiin ayaa waxaa afduubay , Xisbiga Kaamika ah ee kulmiye oo sheekadii ka dhigay “IGU SAWIR”.

 
Axmed Yasiin waa inan loo hanweynaa oo shacbiyad badan ku lahaa gobolka awdal, waan wiil dhalinyaro ah oo aan odhan karo , waa “THE ONLY” leh agaasim, horjoogsi, dad la dhaqan ee u qalma inuu dalkan madaxweyne ka noqodo waxaase taasi xisdiyey oo diiday Mudane saylici iyo inta la jirta oo shacaka u tusay in ay galbinayaan Mudanaha laakiin sheekadu tahay” Necbiyaa Awoowgaa adiguse waxaa tahay…”

 
Mudane Saylici waa madaxweyne ku xigeenka somaliland magc ahaan waana badhasaabka gobolka Awdal dhabta ah shaqo ahaan, mudadii la doortay ilaa maalinkaa maanta ah ee ay gabaadka ka dhigteen Axmed yasiin ee sheekadoodu dhaafi laadahay igu sawir, waxaa u gaystay shacabka reer awdal hagar damooyin, mahadhooyin in la daaweeya adkaan doonto , waxaan si mug leh u qori bogoga tariikhda 50 sano ee soo socda.

 
Saylici horti gobolada galbeedku waxay ahaayeen dad isku duuban is jecel , waxan kala jiita , horay uma dhicin tani maanta ka taagan ee anigaa kaa badan iyo anigaa degaan ah, waan dabecadaha laga dhaxayl saylici ee loo yaqaano “SAYLIC SYNDROM ”

 
in shacabka Goboladaasi laga dabiibo Xaalada aan kor ku soo sheegnay ee SAYLIC SAYNDROM sanado badan ayey qadanaysaa mana sahlano waana xaalad timaada marka qofka xasdiga iyo muxmanta aad qof kale u qabtaa inaad qariso tahli kari waydo., masuul marka la doorto ee shacab doorto waa inuu shacbka isku dumaa ,isku hayaa hormarkooda ka shaqeeyaa isla markaan wanaaga ku tartansiiyaa, tanise ku habsatay gobolkan galbeedku waa wixii la odhan jiray ODAY KA SHEEKEE!!!.

 
Dhibaatooyinka aan dhamaadka lahayn ee saylici shacabka u maleegay waxaa ka sii qoyan taasi maanta ka dhacday magaalada Borama ee mudan saylici diiday in wiilkaas dhalinyarta ah ee magaalada lagu soo dhawaynaayey ee waliba tolkii soo dhawaynayeen u quudhi waayey libinta ee loo badalay “Aabahay goblan kaalaya igu sawir”
waxayse waxyeelo siyaasadeed u gaystay xildhibaan axmed yasiin sheekh oo mustaqbalkiisa siyaasigi iftiimaayey , waxaana kaga dhex joogsaday saylici iyo muuse, Axmed yasiin waxaa u lumiyey kalsoonidii beesha u ka soo jeedo ee makaahiil , waxaa taa daliil u ah waliba hordhac ah in aanay gabi ahaanba ka soo daahirin Saldanadii iyo qorweyntii Beelaha Makaahiil Xafladii Soo dhaweynta “igu sawir”

 
Waxaan si gaar ah u xusayaa , suldaan Maxamed oo ah Suldaanka jufada hoose ee Xildhibaan Axmed Yasiin ee Aadan Yonis oo ugu mudnaa inuu yimaado ayaan la hayn meel u jaan iyo cidhib dhigay , sobobta ay uga soo dahir wayeen maaha in ay necebyihiin wiilkooda oo iyagaaba lahaa fikirka in la soo dhaweeyo , waxayse sheeko dhabaqday oo ay dhooqaday markii laga arkay soo dhawayntaa calaamada “saylici syndrom”.

 
Mudane Saylici nin caqli xun maaha mana garan la’ somaliland oo dhan M/kuxigeen u noqo waase ka hagrasho , waa taasoo dalkii u kusimaha madaxweyne ka ahaa gabi ahaanba ilaabay ee jidka u soo maray in uu akhiro u diro shacbiyada iyo hanka siyaasadeed Axmed yasiin sheekh cali

 
Axmed yasiin markaad dhalinta la sheekaysto waxay u arkayeen nin dhamaantood matali kara, maantase waxaa khudabadiisii laga dheehan karaayey inuu qaaday saylic syndrom, Muuse biixi isagu dambi malaha oo waxaa loogu sheegay socdaalka in ay tahay fursadii u ku arki lahaa salaadiinta Beelaha Makaahiil nasriga iyo galbeed oo kulmiye noqdaan ku xidhantahay Axmed Yasiin , sheekaduse waa ka dar oo dibi dhal ,hadii aad fiirsateen video yadii laga soo duubay xafladii “igu sawir” in muuse biixi dabnaha cunaayo oo u leeyahay war maxaa meesha ku keenay, waayo uma iman in uu la hadlo caruur iyo dumar aanay wax talo ka godaa jiray ee Cod ayuu rabaa bari u gor gortan galiyo.

 
Sheekada Muusa biixi ee maanta Borama ka qabsatay waxay ka dhigantahay “odaygii reerka duqii reerku maqnaa martiyey”

 

 
Qore.Aden Muumin Xoosh.
Borama. Somaliland.