Oodweyne News - Latest Somali News Update

Dhaqaale-yahan Cali “Baqdaadi” Oo Si Cilmiyaysan U Soo Bandhigay Xalka Sicir Bararka , Kana Digay Lacagta Ay Xukuumadda Soo Daabacato..

Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Waraysi kooban Aqoonyahan ku takhsuusan dhanka dhaqaalaha Cali Ibrahim Jaamac Caateeye “Baqdaadi” oo deggan Dalka Canada. Cali wuxuu muddo 46 sano ka shaqaynaayay bangiyo kala duwan oo aan ka xusi karno Ex- Banco Di Roma-Muqdisho , Arab African International Bank-Abu Dhabi iyo TD Canada Trust-Canada.

 

Haatana wuxu Cali Gudoomiye-xigeen ka yahay Ururka Midaynta Beelaha Somaliland, oo laamo ku leh Gudaha iyo Dibedda Somaliland.Cali wuxuu dhawaan Safar gaaban ku yimi Somaliland si uu darasaad ugu sameeyo sidii xal loogu heli lahaa aafada dhaqaale ee ku habsatay Somaliland ee loo yaqaano Siixir-Bararka “Inflation”.