Oodweyne News - Latest Somali News Update

Xukuumadda Siilaanyo: Toddoba Sano iyo Taabbo-gelin La’aanta Biyaha Caasimadda Hargeysa Oo Weli Kor-u-hay Ku Jira

Inkasta oo ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo tan iyo badhtamaha sannadkii 2010 oo ay xilka qabatay ku celcelinaysay, isla markaana marar badan Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta kale ee Xukuumaddu ballan-qaadayeen in sannad kastaa noqon doono kii la dhammaystirayey Biyo-ballaadhinta Caasimadda Hargeysa oo Malaayiin Doollar oo Lacag ahina ku soo gashay, haddana weli Mashruuca biyo-ballaadhinta Caasimaddu ma noqon mid hirgelay oo lagu guulaystay ama weli lagu biyo-cabbay.

 

 

Mashruuca ballaadhinta Biyo-gelinta Hargeysa oo u muuqda mid ay Xukuumadda Siilaanyo Masuuliyiin ka tirsani siyaasadeeyeen, ayaa kacdoon iyo guux hore uga dhasheen 2015-kii markii la bilaabay in Ceelka Xumbo-weyne laga soo jiido Biyaha, isla markaana la isku qabsaday halka Dhaamkaas Keydkiisa koowaad noqonayo iyo degmooyinka iyo Xaafadaha Hargeysa ee Biyihiisa la waraabin doono. Guddi Madaxweynuhu magacaabay oo Heer Wasiirro ah ayaa loo saaray arrintaas oo marar kala duwan ka hadlay, balse weli lagama biyo-cabbin. Keliya Mashruuca Xunbo-weyne kuma koobna Biyo-gelinta Hargeysa, ee waxa jira goobo kale oo Waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa ah, ayaa iyaguna jira, kuwaas oo aan weli midna dhammaystirmin, sannad kastana ku jira Ballan-qaadka wax-qabadka Xukuumadda iyo weliba Wakaaladda Biyaha Hargeysa, Ballan-qaadyadaas kuwoodii u dambeeyeyna waxay ku muddaysnaayeen in doorashada Madaxtooyada ka hor ama illaa bisha tobnaad ee sannadkan 2017-ka la dhammaystiri doono Mashruucaas Biyaha Hargeysa.

 

 

Inkasta oo ay Bulshada Halka Milyan iyo Badhka ku dhaw ee Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ku dhaqani u oomman yihiin helista Biyo nadiif ah oo ku filan, isla markaana sannad walba qaybtiisa hore iyo qaybtiisa dambe rumaystaan ballan-qaadyada u muuqda kuwo Madhalaysa ama Fool-fogeystay ee Xukuumaddu ku sheegto in hadba sannada la joogo gudihiisa la dhammaystirayo Biyo-ballaadhinta iyo Biyo-gelinta cusub ee Hargeysa.

 

 

Sidaas oo ay tahay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo ay weheliyeen Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo Masuuliyiin kale oo Dawladda ka tirsani, waxay dhagax-dhigeen Barkado cusub oo uu sheegay inay Lacag Malaayiin Doollar ah oo Xukuumaddu Dunida uga heshay Maalgelinta Mashruuca Biyaha Hargeysa ku baxayso.

 

 

“Saaka (shalay subax) waxaannu halkan u nimid in aannu dhagax-dhigno Barkadan Kaydka Biyaha loogu talogalay magaalada Hargeysa gaar ahaan Xaafadda Sheedaha oo ah Barkaddii Sagaalaad ee magaalada laga qodayey ee ka mid ahayd Mashruuca Biyo-ballaadhinta Caasimadda. Shirkadda Cocacola Afrika Foundation  waxay qodaysaa afar Barkadood oo ka mid ah sagaalkaas, oo tani ay ku afar tahay, saddexda kalena shaqadoodii way socotaa immika. Barkad waxa laga qodayaa Xaafadda Masallaha, Barkadna Xaafadda Ina-Naxar, Barkadna Siinge-siingaha.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Madaxtooyada.

 

 

Wasiir Maxamuud Xaashi oo sii sharraxaya tirada Barkadaha Kaydka loogu talo-galay ee aan afartaa ahayn iyo inta Kaydka Biyaha Hargeysa hore u ahaan jiray, waxa uu yidhi; “Waxa jira Shan Barkadood oo kale oo ay dawladda Jarmalku maal-galisay oo afartan la mid ah, sagaalkaas Barkadood waxay Kaydin doonaan Biyo dhan 16 000 Meter cubic, magaaladu waxay hore u lahayd laba Barkadood oo qudha, xilligii dawladdii Ingiriiska Hal Barkad ayey lahayd, oo 1000 meter cubic qaadda, xiligii dambe ee Kacaankana waxay Shiinuhu dhiseen hal Barkad oo kale ooo 3000 meter cubic qaadda, Afartaas kun ayaa Kayd innoo ahaan jiray.”

timthumb

 

“Biyuhu sida la oghahay waa hal-bawlaha iyo saldhiga nolosha, halkana waa caasimadii qaranka Jamhuuriyada Somaliland waxa ku nool bulsho aad u faro badan oo Malyuun iyo laba boqol oo kun oo qof gaadhaya, dadka Somaliland oo ilaa Afar milyan lagu qiyaaso, bulsho urursan oo Malyuun iyo laba boqol oo kun ahi inta ay ka tahay waad qiyaasi kartaa, waayo bulshada Somaliland ee kale waa bulsho firidhsan, marka in halkan ay biyo la’aan xoog lihi ka jirto, Xukuumadda xisbiga KULMIYE ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxay u ahayd bar-tilmaameed in dadka caasimada ku dhaqani ay helaan biyo ku filan,  1,200, 000 oo Qof oo cabba Biyo loogu talogalay 1,20,000 oo Qof, waad garan kartaa culayskooda.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.

 

 

Waxaanu Wasiirka Madaxtooyada oo sharraxaya Lacag uu 61 Milyan oo Doollar ku sheegay oo ku baxaysa Mashaariicda Biyaha Hargeysa iyo meelaha ay ka kala timi uu yidhi; “Sidaa darteed, waannu u yabooh tagnay Lacagta Biyaha, waayo? Lacagta Biyaha Caasimadda lagu samaynayaa Lacag yar maaha, $ 61 Milyan oo Doollar ayaa maanta galaya, oo dhaqaale aynu u bahaannahay in laynagu taageero, waxaynu u mahad-naqaynayaa hal-abuurkii aannu la nimid dunidii naga taageertay, gaar ahaan dawladaha Midwoga Yurub oo bixiyey lacago illaa 30 Milyan oo Doollar ah, dawladda Jarmalka oo bixisay illaa $23 Milyan, Shirkadda Cocacola Afrika oo bixisay illaa $5 Milyan oo Doollar iyo $2 Milyan oo Doollar oo Sanduuqa SSDF laga kabayo gaabkii (gal-dalooladii ama qabyadii) soo baxday iyo hal Malyuun oo ay Xukuumaddu bixinayso, waa $61 Milyan oo Doollar.”

 

 

“Lacagtaasi waa lacag aad u badan, waxa laga yaaba in dad badani la yaabo, Biyuhu qalabakiisu waa qaali, waxaana loo samaynayaa nimdaam casri ah, dhul badan ayaa laysku xidhayaa, dadkaas badanna waa la waraabinayaaa, Biyuhu laba waji ayey lahaayeen, Wejigii koowaad oo Beeb casri ah la dhigayey hadda gabagabo ayuu ku dhaw yahay, Wejiga labaadna waa mashruuca labaad oo aannu ku rejo waynahay inuu illaa 2018 dhammaado.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.

 

 

Inkasta oo aanu sheegin bisha iyo Maalinta ay cabbitaanka Biyaah bilaabi doonaan Dadweynaha oonka la deriska ah ee Hargeysa ku dhaqani, haddana waxa uu iftiimiyey inay Mashruucaasi u qaybsan yahay laba weji oo mid hadda gebo-gabo ku dhaw yahay, midna laga yaabo inuu 2018-ka dhammaystirmo, sida uu hadalka u dhigay, waxaanay Bulshada Caasimaddu dhawraysaa inay Mashaariicdaa Biyaha Hargeysa dhammaadaan doorashada Madaxtooyada ee 13-ka bisha 11-aad 2017-ka u muddaysan inta ka horraysa oo uu Madaxweynaha Siilaanyo ka Furo iyo in Madaxweynaha ka dambeeyaa furi doono Mashaariicdaas Biyaha Hargeysa.

timthumb