Oodweyne News - Latest Somali News Update

SOOMALAAY, SOOYAALKAAGA ILAASHO (1) W/Q: Cabdalla Xaaji Cismaan

Sooyaalku waa dhaxal ummadi leedahay oo ay ka dheehato qarniyaal hore oo tegay wixii soo maray xumaan iyo samaan, guul iyo guuldarro..Waxa kale oo taariikhda laga dheehdaa geesiyaashii shacabkooda guulaha waaweyn, sharafta iyo magaca u soo hooyey. Sooyaalka dib baa loo raacaa si loogu cibaaro qaato oo halkii shalay lagu jabay iyo gefafkii la galay looga leexdo, raggii geesiyaasha ahaana lagu daydo isla markaana lagu faano guulihii ay soo hooyeen dugsiiyadana lagu dhigo oo la baro ardayda. Ummad kasta oo dunidan ku nooli sooyaalkeeda way kaydisaa oo ay ururisaa isla markaana daranyada iyo baylahdaba way ka dhabaan, laakiin dadka soomaalida ah iyo dawladahooguba way baylihiyeen taariikhdoodii iyo geesiyaashoodii ay ku dhaadan lahaayeen, oo maanta waa wada baadii. Baadina si dhib yar buu cadawgu ku qaataa.

 

 

Taariikhdu waynoo misbaax, maanka caawimo e

Adoo male gudaayaad yaqiin, marar ku gaadhaaye

Maakaankaaga waa inaad taqaan, meelba waxa yaalle (Xaaji Aaden)

 

 

 

Taalladii Axmad-G Ras Makonen

Haddaba qoraalkaygan kooban oo saddex qaybood noqon doona baan ku soo qaadan baylahda ku dhacday sooyaalkeenna iyo sida soomaalida qudheedu sabab ugu yihiin inuu cadawgu sheegto geesiyaashii ummaddan xoraynteeda u soo halgamay. Qaybtan koowaad waxaan ku soo qaadan geesigii Axmed Ibraahim Al-qasaali oo loo yaqaan Imaam Axmad-gurey. Axmad-gurey baal dahaba buu kaga qoran yahay sooyaalka muslimiinta Geeska Afrika soomaaliduna ka mid tahay. Badhtamihii qarnigii shan iyo tobnaad ayuu Axmad-gurey kacay oo uu ka dhiidhiyey weerarradii boqortooyadii Xabashidu ku haysay muslimiinta Geeska Afrika ee xaruntoodu ahayd magaalada Harar, xaruntooda ganacsina hayd dekedda Saylac. Axmad-gurey muddo kooban waxa u suura gashay inuu mideeyo qawmiyadihii muslimiinta oo ay ka mid ahaayeen Hadiya, Kambaata, Cafar, Xarla, Harari iyo soomaalida oo iyadu ahayd qawmiyadda uu ka dhashay uguna tirada badnayd. Wuxu dhisay dawladdii Adal ee gaashaanka u qabatay gardarradii  Xabashida. Taariikhda Axmad-gurey waxaad ka daalacan kartaa buugga uu qoray Shihaabu-diin Axmed (Fiqi Carab), buuggaas oo ku qoran Carabi, Faransiis iyo Ingiriisi dhawaanna waxa soomaali u rogay labada aqoonyahan ee kala ah Maxamed Cabdillaahi Riiraash iyo Aaden Xasan Aaden (Beleloo) dawladda Jabuutina way maal gelisay.

 

Geesigaa Imaam Axmad-gurey ee berigaa sutida u qabtay gumaysigii dhul-doonka ahaa ee Xabashida guulaha waaweyna ka soo hooyey dagaalladii uu la galay, maxaynu ka haynaa maanta sooyaalkiisii? Dugsiiyada ma lagu bartaa? Si loo xasuusto, goobaha caanka ah ma lagu magacaabaa? Intaan ogahay dugsiiyada ku yaal dhulka soomaalida, ka soo bilaw Jabuuti, Somaliland, Gobolka Soomaalida Itoobiya iyo Somaalia midna laguma dhigto taariikhda dawladihii Awfaat (Ifat) iyo Adal ee Geeska Afrika iyo geesiyaashii hoggaanka u ahaa ee Amiir Sacaada-diin iyo Imaam Axmad-gurey. Waa ayaan-darro aad iyo aad u weyn oo inna haysata.

 

 

Dawladdii kacaankii Somalia ee uu madaxa ka ahaa Janaraal Maxamed Siyaad ayaa bilawday in manhajka waxbarashada dugsiiyada lagu daro, goobo caana iyo dugsiiyana loo bixiyey si loogu xasuusto. Goob fagaara ah oo ku taal Xamar waxa laga taagay taallo lagu xasuusto Imaam Axmad-Gurey. Markii la riday dawladdii  kacaanka magaalada Muqdisho waxa ka dhacay dagaallo dhex maray qabqablayaal rabay inay xukunka dalka xoog ku qabsadaan. Muddadii dagaalladu socdeen hantidii ummadda ee ay dawladdu gacanta ku haysay ayaa waxna la bililiqaystay qaarna digadaa laga dhigay. Mid ka tirsanaa qabqablayaashii baa ka xishoon waayey oo furtay taallooyinkii loo dhisay in lagu xasuusto geesiyaashii u soo halgamay gobonnimada dalka. Taallooyinkaas oo ka samaysnaa macdan qaaliya dalka dibaddiisa ayaa loo qaaday oo lagu xaraashay. Waxa ka mid ahayd tii loo dhisay geesigii Imaam Axmad-gurey oo ahayd astaan waddaninimo oo ummadda soomaaliyeed ku soo wada hirato. Ogow Xabashiduna sooyaalkooday ku darsadeen Iimaam Axmad, waxayna qoreen inuu Iimaam Axmad-gurey ahaa nin Itoobiyaana oo ku shiftoobay boqortooyada isla markaana diiday inuu oggolaado oo uu bixiyo Gibirka (Cashuurta madaxa).

 

 

10kii bishii Oktobar 2012kii, wasaaradda waxbarashada ee Somaliland waxay si rasmiya ugu dhawaaqday in dugsiga ku yaal Hargeysa ee la yidhaa Axmad-gurey laga beddelay magacii loona bixiyey Quulle Aaden Dool, sababta loo dooriyey magaca may caddayn wasaaraddu. Quulle uu u qalmaa in loo bixiyo goob lagu xasuusto, laakiin waa laga wanaagsan yahay in la tirtiro magacii geesigii Iimaam Axmad-gurey oo abaal aan la gudi karin ku leh ummadda soomaaliyeed ee Geeskan ku dhaqan ee uu ka dhashay. Arrintani waxay marag cad u tahay in xukuumadda Maxamad Maxamuud Siilaanyo aanay haba yaraate aqoon u lahayn sooyaalka dalkan ay madaxda u yihiin, halkay ku illaaween in magaalooyinka Saylac iyo Berbera ahaayeen dekedihii ugu waaweynaa ee ganacsi ee dawladdii Awfat (Ifat) iyo tii ka dambaysay ee Adal ay lahaayeen xukunkoodana hoos iman jirey? Magaca Axmad-gurey ee la tirtiray waa bar madow oo ku taal xukuumadda Siilaanyo. Hasayeeshe waxaan Hargeysa ku arkay dad badan oo waxgarad ah oo falkaa aad iyo aad uga xun. Dhinaca kale cadawgii uu berigaa horjoogay waxa u suura gashay inay Harar oo xaruntii islaamka geeska Afrika ahayd qabsadaan sannadkii 1887kii. Raas Mokonen oo ahaa Haile Selase aabbihii ahaana ninkii gumaaday muslimiintii Harar iyo hareereheeda degganaa in taalladiisii weli ka dhereren tahay Faras magaalaha Harar iyadoo weliba loo soo jeediyey dhinaca bari. Dhinaca bari ee loo soo jeediyey taalladaasi macna weyn bay u leedahay Xabashida ee sidaa ha loola socdo.

 

 

 

W/Q: Cabdalla Xaaji Cismaan

La soco qaybta labaad