Siyaasi Aadan Dhoola-yarre Oo Si Weyn Ugaga Fal-celiyey Hadal Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa

Waa Yaab In Masuul Xil U Haya Ummadda Uu La Hor Yimaaddo Golihii Dalka U Sareeyey Hadalo Ceeb Ku Ah Qaranka" Siyaasi Aadan Axmed Cilmi (Dhoolla-Yarre).

Hargeysa (OWN) Siyaasi Aadan Axmed Cilmi (Dhoolla-Yarre) Wasiirkii Wasaaradda Beeraha Ee Xukuumaddii Hore Ee Uu Hogaamin Jiray Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin, Isla-markaana ah Siyaasi Hadda Ka Tirsan Hogaanka Sare Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI, Ayaa Si Weyn Uga Hadlay Hadalladdii Maanta Ka Hor Jeeddiyey Guddida Joogtadda ah Ee Golaha Guurtidda Ee JSL Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Ee Hargeysa Maxamed Cali Daarood.

Siyaasi Aadan Axmed Cilmi (Dhoola-yarre), Ayaa Si Weyn Ugaga Fal-celiyey Hadal Maareeye Dooraad Qoraal Dheer Waxaanu Dhignaa Siddan :— “Waa Yaab In Masuul Xil U Haya Ummadda Uu La Hor Yimaaddo Gole Hadalo Ceeb Ku Ah Qaranka. Hadalada uu ka hor yidhi gole qaran oo aanu la gabban.

Maareeyaha wakaalada biyaha ayaa golaha guurtida ka sheegay inuu ka xun yahay inaan reerkooda abaal loogu hayn biyaha ka yimaada deggaankoda iyada oo shacabka reer Hargeysa ka haqab l’ayn biyaha uu ugu mano sheegaynayo shacabka.

Waa hadalo daciif ah inuu yidha aniga iyo Madaxweynaha deegaankayaga ayaan biyihi ka jaray anigoo doonaya inay biyo helaan reer Hargeysa. Isagu haba sheegtee, wuxuu isku ladhay Madaxweynihi Qaranka waxaanu ka dhigay inay tahay arin ay isla ogyihiin isaga iyo Madaxweynuhu.

Arintaasi waxay gaf ku tahay Madaxweynaha uu la maragsaday shacabka. Marka uu sida u hadlayo maxaynu odhan kara ma inaanu Madaxweynu ahayn masuulki qarankan ka wakiilka aha, taasi waa caqliga ku jira Mareeyaha waxaanay u taala Madaxweynaha sida uu uga jawaabo hadalada Maareeyaha.

Hadaba markaynu masuulka xilka haya ee ay umadda Rajada ka sugaysay wakhtiga dheer xili la filayay inuu ugu bushaareeyo war farxad leh. Hadalka Maareeyuhu wuxuu nuqdada madaw ku yahay naftiisa iyo sooyaalkisa ee uu ka xigsaday umaddi u xilka u hayo.

Waxaa xusid mudan inay bishani tahay bisha loo asteeyay bisha biyaha caalmka. Ilaahay bay tiisa tahee may ahayn hadal looga fadhiyay inuu si fudud ugu tiraabo hadalo laga yaqyaqsado oo uu ka hor yidha gole guurti.

Masuulku haddi aanu fahamsanayn xilka umadda u hayo, balse uu u haysto inuu reerkooda ka wakiil yahay waa nasiib darada masuuliyinta xukuumadda qaarkood ay u haystaan inuu xilku yahay inuu reekoodu xaq u leeyahay waxa umadda loogu dhiibay.

Mareeyuhu waxaanu fahamsanayn malaayiinta dollar ee caalamku ku shubay wakaalada biyahu inay reerkoodu leeyihiin

Maareeyihu waxaanu fahamsanayn in reerkoodu ka mid yahay shacabka reer Hargeysa oo xaq u leeyihiin inay biyo helaan.

Maareeyuhu waxaanu fahamsanayn in reer Somaliland ay wada leeyihiin khayraadka dalka wax kasta oo ka soo baxa oo aanay cid gaar ahi ka sheegan karin degaan kale.

Mareeyuhu waxaan aqoon u lahayn in deegaan wal oo Somaliland ka mid ahi uu leeyahay khayraad ku Duugan oon la kala lahayn.

Waxaan aaminsanahay inuu Maareeyuhu been ka sheegayo deegaanka uu sheeganayo ee reer Dara Salaam inaanay ahayn dad oo dhan kara hadalada been abuurka ah ee uu ka sheegay oo ay yihiin dad gob ah,waayo waxay ogyihiin inay yihiin dad la nool shacabka Somaliland oo dhan oonay waxba kala lahayn mana aha dad u diidi kara khayraad kasta oo ka soo baxa deegaan ay leeyihiin iyagana laga sheegan karin khayraadka kale ee dalka ku jira.
waa shacab la qaybsada dhibta iyo khayrkaba dadkooda reer Hargeysa.

Maareeyuhu maan gaabnimada uu isku ladhay Madaxweynaha qaranka iyo deegaankiisaba ma Geyaan inu ku matalo magaciisa. Sidaas awgeed waxay shacaku ka sugayaan Madaxweynaha qaranka talaabada uu ka qaado Maareeyaha wakaalda Biyaha. Waa nasiib darro inuu kala garan waayo hantida loogu dhiibay iyo dadaalka ay xukuumadu gelisay in shacabka loo helo biyo ay ka haqab baxaan oo muddo dheer ay ka war sugayeen xukuumadooda inuu Maareeyuhu la soo fadhiisto isagoo jees jeesaya oo aan u muuqan inu hayo xil umadeed.

Gebegabo waxaan mar labaad ku celinaya inay shacabku ka sugayaan xukuumada inay u hesho sida ugu dhakhsaha badan biyo Hargeysa iyo umadda oo dhan.

Madaxweynahana waxaa laga sugaya sida uu uga fal celiya hadalada uu ku tiraabay Maareeyaha wakaalada biyaha oo ah hadal aan noqon karin mid uu wakiil kaga yahay xukuumada iyo Madaxweynaha toona” Ayuu Siyaasi Aadan Axmed Cilmi (Dhoolla-Yarre) Hadalkiisa Ku Soo Af-meeray.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker