Maxaa Ka Jira In Kornayl Caarre Oo Jooga Jigjiga Kunasoo Jihaysan Somaliland

Kornayl Siciid Cawil Caare ayaa la filayaa inuu dhawaan dalka dib ugu soo laabto,kaas oo hadda la sheegay inuu soo gaadhay Magaalada jigjiga ee Dawladda Deegaanka Somaalida Itoobiya,halkaas oo uu maal-mihii ugu dambeeyey ku sugnaa.

Kornayl Caarre ayaa dalka ka baxay kaddib markii uu heshiis dhex-maray isaga iyo Xukuumadda Madaxweyne Biixi,kaas oo keenay in jabhadii uu hoggaaminayey la qarameeyo,isla markaana isaga laggu amro inuu dalka ka baxo,sidoo kalena heshiiskaas ayaa waxa kamid inuu laba sanno kaddib uu dalka ku soo noqon doonno Kornayl Caarre, isagoo la sheegay inuu soo dalban doonno cafis Madaxweyne.

Illo wareed-yo rasmi ah ayaa Wargeyska Waaberi u sheegay in kornayl Caare oo ka soo kicitimay dalka Turkiga inuu Magaalada Jigjiga soo gaadhay,halkaas oo la sheegay inuu ku sugayo hadda war-qada saamaxaada ama Cafiska la filayo inuu u saamayn doonno Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Dhanka kalene waxa la sheegay in hadda mudda’dii labada sanno ahayd ay dhammaatay,taas oo keentay inuu Kornayl Caarre uu soo quul-dareeyo inuu dalkii dib ugu soo laabto,waxaana la filayaa in soo guryo noqoshadiisa uu u soo u marri doonno jidkii heshiiskii dhex-maray isaga iyo Xukuumadda Madaxweyne ee ahaa inuu soo dalbado cafis Madaxweyne.

Si kastaba ah-ahaatee Konrayl Siciid Cawil Caarre ayaa la sheegay inuu Magaalada Jigjiga ee Dawlad Deegaanka Somaalida Itoobiya uu soo gaadhay,waxaana la sheegay inuu sugayo cafiska la filayo inuu u sameeyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi,kaas oo uu dalka ku soo geli doonno.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker