Oodweyne News - Latest Somali News Update

SWEDEN: Haweeney 106 Jir Ah Oo Noqotay Qaxootigii Ugu Da’da Weyn Caalamka Oo Sahrcigii Loo Diiday

Bibikhal Uzbek oo 106 jir ah ayaa loogu yeeray inay tahay qaxootigii ugu da’ weynaa caalamka. Iyada oo iminka diidmo lagu siiyey dalabkeedii magan-gelyo doon ee Sweden.

 

 

Bibikhal Uzbek ayaa soo gaadhay nawaaxiga Skaraborg sannadkii 2015, iminkana ku dhaqan hooy ku yaala Hova oo ey kula nooshahay 12 ruux oo qaraabadeed ah. Qaar ka mid ah saxaafadda caalamka ayaa 106-jirtan ku magacoowday qaxootigii ugu da’da weynaa caalamka.

 

 

Dhowaan ayaa la gaarsiiyay akhbaarta ah inay Sweden isaga baxdo. Iyada oo qoysku sheegay in wixii go’aankaa ka dambeeyay ay tabar iyo niyadba beeshay. Waxay saarnayd sariirta oo ay ku nasaneeysay, kolkii ay booqasho ugu tagtay hooyga ay ku dhaqan tahay laanta idaacadda ee P4 Skaraborg.
Muddo ayaannu sugeeynay, waxey na leeyihiin in aannu dib u noqonno oo dalka Afgaanistaan uu yahay dhul wanaag-san, sida uu sheegay wiilka ay ayeeyada u tahay ee Mohammad.

yy