Mudane ka tisan Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Mareykanka Oo Madaxbanaanida Somaliland hor dhigay Aqalka Wakiillada Mareykanka.

Mudane Scott Perry oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada ee Waddanka Mareykanka, ayaa soo jeedin cusub oo la xidhiidha Jamhuuriyadda Somaliland hor dhigay Aqalka Wakiillada Mareykanka.
Soo jeedinta cusub ee Xildhibaankan, ayaa ah mid ku baaqaysa in Golaha Sharci dejinta ee Mareykanku u aqoonsadaan Somaliland dal madax bannaan.

Scott Perry, oo laga soo doorto gobolka Pennsylvania kana tirsan Xisbiga Jamhuuriga, ayaa codsigiisan u uku doonayo in Somaliland lagu aqoonsado waxa uu ciwaan uga dhigay in Somaliland loo aqoonsado dal ka madax bannaan Somalia.
Baaqan Xildhibaanka ayaa la soo geliyey website-ka Congress-ka Mareykanku leeyahay.
Soo jeedinta mudane Scott Perry, ayaa noqonaysa biilkii labaad ee Mudaneyaal ka tirsan Golaha Wakiillada ee Mareykanku soo jeediyaan muddo toddobaad ah guddihiisa.

Mudaneyaal ka tirsan Guddida Arrimah Dibedda ee Kongress-ka Mareykanka, ayaa iyagu dhawaan soo jeediyey xeer-nidaamiye qbyo qoraal ah oo ay ku dalbadanayeen in heshiis iskaashi amni ah lala yeesho Jamhuuriyadda Somaliland, isla amrkaana Wasaaradda Arrimaha Dibeddu warbixintooda sannadlaha ah ay ku soo daraan daraasad ay ku sameeyaan qaabka Somaliland loola yeelan akro Iskaashi toos ah.

Labada soo jeedimood ee ka baxay Mudaneyaashan Ka tirsan Kongress-ka Mareykanka, ayaa waxa iyaguna ka horreeyey mudaneyaal 11 Mudane ah oo soo jeediyey in Dawladda Mareykanku xidhiidh toos ah la yeelato Somaliland, isla markaana xafiis ka furato Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker