Qorshaha Xukuumadda Soomaaliya Kaga Hortagaysay Safarka Weftiga Somaliland Ee Mareykanka oo Fashilmay

Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo diblomaasiyadeed, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa dowladda Qatar ka dalbaday inay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ku qanciso diidmada fiisaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xubnaha weftigiisa.

Ilo wareedyada, ayaa intaa ku daraya in baaqa Farmaajo u diray Amiirka Qatar booqashadii ugu dambeysay ee uu ku tagay Qatar ay timid kadib markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay baaq la mid ah u dirtay Safaaradaha Gobolka ay ku guuldareysteen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo ka kooban Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Deegaanka, Wershadaha, Ganacsiga, Dalxiiska, Warfaafinta iyo Xubno ka tirsan Ganacsatada waaweyn ee Somaliland sida Telesom, SOMTEL , Shirkadda SOMCABLE, ayaa u amba-baxay dalka Mareykanka.

Codsiga Amiirka Qatar ka sokow, dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa si toos ah ula xidhiidhay safaaradaha Mareykanka ee Jabuuti, Kenya iyo sidoo kale wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka si looga hortago fiisaha Madaxweyne Biixi iyo xubnaha wefdigiisa.

Warbaahinta ay maamusho Xukuumadda Soomaaliya, ayaa sheegay in Safaaradda Mareykanka ee Jabuuti, ay u diidday fiisaha dal ku galka wasiirka arrimaha gudaha Somaliland. Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirka Warfaafinta Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay warkaasi ay baahiyeen warbaahinta Soomaaliya ku tilmaantay mid been abuur ah oo aan sal iyo raadtoona lahayn.

Ma cadda in ilaha warkan laga helay ay ku jiraan saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya oo si gaar ah isha ugu haya dadaallada Villa Somalia ay ku doonayso inay kaga hortagto wefdiga Madaxweyne Biixi ee booqashada ku tagay dalka Maraykanka.

Inkasta oo qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirrada ee safarka ku weheliya Madaxweyne Biixi ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan dalka Mareykanka, islamarkaana aanay u baahnayn dal ku galka, haddana xukuumadda Somaliland waxay xaqiijisay fiisaha xubnaha weftiga, gaar ahaan Madaxweyne Biixi iyo Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Warfaafinta oo lagu bixiyay Baasaboorka Somaliland.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa isku dayday inay khalkhal geliso oo ay go’doomiso Somaliland dhaqaale ahaan iyo diblomaasiyad ahaanba waxayna la safatay Shiinaha oo si adag uga soo horjeeda xidhiidh diblomaasiyadeed oo ay la yeelato Taiwan.

Soomaaliya iyo Shiinaha, ayaa cambaareeyay xidhiidhka diblumaasiyadeed ee u dhexeeya Somaliland iyo Taiwan oo ay ku tilmaameen mid xad-gudub ku ah madax-banaanida dhulkooda.

Xukuumadda Somaliland, ayaan si cad u sheegin in Madaxweyne Biixi iyo weftigiisu la kulmi doonaan xubno ka tirsan maamulka Biden ama Congress-ka Maraykanka iyo in socdaalkani la xidhiidho wararka sheegaya inuu Mareykanku danaynayo inuu saldhig Milateri ka samaysto Somaliland.

In kasta oo dowladda Mareykanku miisaamaysay saldhiga Milateri ee ay Somaliland ka samaysan karto si weyn loo sheegay, haddana hal qodob oo ka mid ah qorshayntaas oo ah heerka uu Mareykanku ku sugan yahay ee heshiiska ciidamada Mareykanku la saxeexdo dal kasta oo ay martigeliyaan ciidamada Mareykanku ma jiro ilaa hadda labada dhinac.

Taliska Mareykanka ee Afrika iyo dowladda Somaliland, ayaan wax jawaab ah ka bixin su’aalaha la xidhiidha wadahadallada socda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker