Hadal heyn cusub oo ku saabsan hubka Turkiga iyo Dagaalka Ukraine

Xilli uu socdo dagaalka ay militeriga Ruushku gudaha ugu galeen waddanka Ukraine, warbaahinta caalamka ayaa mar kale hadal heyntooda diiradda ku saaraya waxa ku dhici doona hubka difaaca hawada ee S400, oo Turkigu uu ka iibsaday Ruushka.

Ilaa hadda Turkiga laguma soo wareeginin adeegga uu sugayay, waxayna u muuqataa in Ruushka uu galay mashquul kale oo waxaasoo dhan ka weyn.

Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa si ay hubkaas u helaan horay ula colloobay xitaa Mareykanka oo ay xulafo ku yihiin isbahaysiga Nato, kaddib markii ay kasoo hor jeesteen in hubka awooddaas leh uu gacanta u galo Ankara.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareyknaka, Wendy Sherman, ayaa 5-tii bishan March Wakaaladda Wararka ee Turkiga u sheegtay in arrinta ku saabsan hubka S400 ay tahay “dhibaato muddo dheer” soo kala dhex taallay xukuumadaha Ankara iyo Washington, haddana laga yaabo in “xalkeeda uu waddo cusub yeesho”.

“Waxaa suuragal ah in la gaadhay waqtigii si kale lagu raadin lahaa xalka dhibaatadan. Waxaan eegeynaa waxa la sameyn karo. Wax kasta waxay ku xiran yihiin xaaladda jirta. Waan la kulmi doonnaa saaxiibbadeen,” ayay tidhi Ms. Sherman, oo markaas ku sugneyd Turkiga.

Tallaabada uu Tukiga gantaallada S400 uga iibsaday Ruushka ayaa horseedday in Mareykanka uu cunaqabateynno kusoo rogo saraakiil ka tirsan militeriga Turkiga.

Maamulka Aqalka Cad ayaa sidoo kale Turkiga ka saaray liiska dalalka ay suurtagal tahay in laga iibiyo diyaaradaha dagaalka ee F-35. Labada waddan ayaa horay u galay heshiis ay ku kala iibsanayaan diyaaradaha casriga ah.

Turkiga wali looma dhammeystirin tirada gantaallada uu iibsaday, qaybtii ugu horreysay ee hubka difaaca ee S400 ayaana horay loo ansixiyay, inkastoo labo sano ka hor lagu dhawaaqay fulinta howshaas.

Bircin Yinanc, oo ah qoraa ka tirsan wargeyska madaxa bannaan ee T-24 – oo falanqeeya inta badan siyaasadaha arrimaha dibadda ee Turkiga – ayaa soo xigtay safiir hore oo Turki ah, Shafaq Gekterk, oo sheegaysa in dagaalka uu Ruushku ku qaaday Ukraine 24-kii bishii February ” uu ka dhigan yahay in Turkiga ay ka dhinteen hubka uu sugayay ee S400s.”

“Way iska caddahay, suurtagal ma aha in qaybta labaad ee hubkaas loo qaado Turkiga, sababtoo ah culeys kale ayaa yimid,” ayay Ms. Yananc.

Waxa ay intaas ku dartay in hadda ay muhiim tahay in xal kale la raadiyo.

“Mareykanka iyo Turkiga ayaa laga yaabaa in ay galaan heshiis gorgortan ah oo qodobadiisu ay ka mid tahay in Turkiga ay aqbalaan in hubka S400 aysan u dhawaanin ilaa baahi dhab ah ay timaado,” sida lagu qoray maqaalka qoraa Birchin Yananc.

Dhanka kale, qoraaga u janjeera dhinaca xukuumadda Erdogan – wax ku qora wargeyska afka dheer ee Sabaax – ayaa dhaleeceeyay tallaabada ay qaadday Washington, wa uuna wax aan “aan la aqbali karin” ku tilmaamay go’aanka ay Washington 2015-kii uga baxday heshiiskii ay Turkiga uga iibin rabtay hubka Patriot system iyo sida ay uga soo hor jeedsatay in uu hub midkaas baddalkiisa ah kasoo iibsado Ruushka.

“Haddii taas ay sameynayaan saaxiibbada, cadawgana maxaa laga filayaa?” ayuu ku qoray maqaalkiisa.

“Haddii aan ahay muwaadin u dhashay Turkiga, waxaan si adag ugu talin lahaa in Mareykanku uu marka hore na siiyo diyaaradaha dagaalka ee F-35 ama F-16 kaddibna aan wada hadalka billowno,” ayuu yidhi.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa horay ugu cambaareeyay Mareyknaka go’aanka uu Turkiga uga saaray liiska waddamada laga iibinayo diyaaradaha F-35, isagoo sheegay in waxa kaliya ee ay ku qanci karaan uu yahay labo arrimood mid, oo ah in lacagtooda loo soo celiyo ama in laga iibiyo qalabka.

Waxaa lagu soo warramay in hadda uu socdo wadahadal u dhaxeeya Washington iyo Ankara, mowduuca laga hadlayana uu yahay in Turkiga uu helo diyaaradaha F-16 halkii uu markii hore ka heli lahaa F-35.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker