Oodweyne News - Latest Somali News Update

Dadweynaha Deegaanka BOHOL Oo Dareen Is-bedel-Doon-nimmo Kusoo Dhaweeyay Musharaxa Madaxweyne Ee Xisbigga WADDANI

Weftigii uu hoggaaminaayey Murashaxa Madaxweynaha WADDANI, ayaa si cajiiba looggu soo dhaweeyey magaalada Bohol oo ka tirsan gobalka Sool.

Murashax Cirro, waxa uu dadweynahaas uu ku dhiiri-geliyey siddii qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta Doorashada oo ka bilaabmantay goballada Sool iyo Sanaag.

Dadweynaha,ayaa waxay muujiyeen taageeradooda laxaadka leh ee ay hayaan Xisbigga Mucaaradka Somaliland ee WADDANI,waxaana xilli habeen-nimmo ay dadweynaha Magaaladdu safaf dhaadheer ugu jireen soo dhaweynta Guddoomiyaha iyo wafdigga balaadhan ee kasoo kici timay saaka Magaaladda Laas-caanood ee Xarrunta Gobolka SOOL oo ay wafdigu habeenaddii u danbeeyay ay hawlo shaqo ka waddeen.

Wax-garadka,Odayaasha iyo Labbeenta Deegaanka BOHOL,waxay si aan qarsooddi lahayn usoo bandhiggeen dhibaatooyinka iyo hagardaamooyinka ay ku qabaan Xukuumadda wakhtigeeddu sii dhammaanayo ee Hogaamiyo Madaxweyne SIILAANYO.

Waxyaabaha ay ka cawdeen dadka deegaanku ayaa waxa ugu mudnaa Baahiyaha aas-aasigga ah ee Bulshadda,gaar ahaana;Waxbarashadda,Caafimaadka,Ruggaha Booliska iyo Biyaha nadiifta ah ee Magaaladda.

Waxa iyagguna halkaas ka hadlay siyaasiyiinta kala ah;Abiib Timacad,Ismaaciil-Yare,Amb.Cali Cawaale,Madaxda Xisbigga ee Heer Degmo iyo Garabyadda Haweenka ee Xisbigga Mucaaradka ah ee WADDANI,waxaanay dhammaantood badka soo dhigeen sida looggu baahan-yahay inay dadweynuhu u qaataan kaadhadhka cod-bixinta.

TT8TT5TT4TT3TT2TT1