Oodweyne News - Latest Somali News Update

Qaladkii Ugu Weynaa Ee Uu Madaxweynuhu Gabiley Ka Galey (Magacaabista Degmada Cali-xaydh). Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

Madaxweynaha  Jamhuuriyada  Somaliland  mudane  axmed  maxamed  maxamuud  (Siilaanyo)  waa  talaabo  uu  ku  deg-degay  magacaabista  Degmada  Cali-xaydh  oo  uu  dhawaan  Digreeto  ku  soo  saarey ,  Isagoo  hoos  geeyay  magaalo-madaxda  Gobalka  Awdal  ee  boorama  sidaasina  ay  ku  dhaqan-gashey  degmanimadeedii ,  Run  ahaantii  Madaxweynaha  Somaliland  waa  odey  weynoo  mudakar  ah  waana  siyaasi  rug-cadaa  ah  inta  maanta  ifka  joogta  halyeyadii  Somaliland  isagaa  ugu  miisaan  culus  oo  isagaa  ugu  xog-ogaalsan ,  Balse   waxa  la  garan  waayey  ujeedada  uu  u  marin-habaabiyey  dhulka  lagu  muransan  yahay  ee  taariikhdoodana  loo  tirinayo  meelo  kale  Sida  Magaalo –madaxda  Gobalka  Gabiley  oo  ay  hore  uga  tirsanaan  jirtey  Tuulada  Cali-xaydh,  lama  garanayo  sababta  uu  ugu  dhiiradey  iyo  xiliga  gobalada  xuduudoodii  dib  loo  saxey ,  yadoo  laga  soo  guurayo  xududihii  Lixdankii  iyo  Amintii  mustac-marka  hadaba  waxa  isweydiin  leh  muxuu  madaxweynuhu  maanta  utunta  ula  beegsadey  degaanadan  lagu  muransan  yahay.

Taariikh  ahaan  degmada  cali-xaydh  deegaan  ahaan  waxay  ka  tirsanayd  degmada  gabiley  mudo  imika  laga  joogo  dhawriyo  toban  sano  ayuun  baan  laga  xukumin  haydh-tuulaheeda  dawlada  hoose  degmada  gabiley  balse  awal  iyo  wixii  ka  horeeyeyba  waxa  wakiilkeeda  cashuurta  iyo  haydh-tuulahaba  laga  diri  jirey  magaalada  gabiley,  Inkastoo  mad-mad  yimidey  markii  la  majara-habaabiyey  qaab  maamuleedkii  iyo  halkay  hoos  tageysay  tuulada  cali-xaydh  waxa  bilaabmey  muran  iyo  in  laysu  khilaafo  qaab  beelaysan  waxaaney  caan  ku  aheyd  yada  iyo  deegaamo  fara-badan  oo  waqooyiga  ah,  hadaba  dhulalkan  laysu  khilaafsan  yahay  ee  uu  muranku  into   dhan  ka  taagnaa  maxaa  keenay  in  madaxweynaha  Somaliland  ku  dhiirado  maanta  magacaabis  degmo  si  badheedh  ah  yadoo  aan  la  ixtiraamin  dadyawgii  isu  hayey  iyo  cidaha  ay  wax  ku  kala  maqan  yihiin,  horta  kaasi  waa  qodob.

Ma  xuma  haba  la  magaacaabee  waa  maxay  sabab  looga  wareejiyey  halkii  ay  hore  uga  tirsaneyd  ama  degmadii  gabiley  ,  halkaa  waxa  ku  cad  in  maanta  la  marin-habaabiyey  xuquuq  ay  laheyd  magaalada  gabiley  taasoo  lagu  duudsiyey  markii  deegaan  ka  tirsanaa  laga  hoos  saarey  ka  dibna  meel  kale  la  geeyay ,  waxase  meesha  ku  cad  iney  Baroortu  Orgiga  Ka  Weyn  Tahay  waayo  maanta  xiligani  hadii  la  magacaabo  degmo  yadoo  laga  goy,nayo  gobalkii   ay  hore  uga  tirsaneyd  waxaaney  u  muuqataa  iney  kicin  doonto  sawaxan  siyaasadeed  ama  xiisado  kale  madaama  wakhtiguna  xaas-xaasi  yahay  marxaladuna  ay  adeg  tahay  muranka  dhulkanina  mudooyin  soo  jiitamayey  oo  sheedadaha  laga  kala  eeganayey  imikase  markii  la  magacaabey  yadoon  cidna  lagala  tashan  oon  la  rog-rogin  ayuun baa  si  toos  ah  loo  soo  saarey  wareegto  degmonimo,  uba  daayoo  haddii  degmadeedaa  ay  iska  ahaato  oo  gabileydii  awelba  xukumaysay  ay  xukunto  maxaa  xumaanaya  maxaa  caqabad  noqonaya  ee  ay  xukuumada  iyo  madaxweynaheedu  u  cuskadeen  ku  dhiirashada  kalsoonida  leh  ee  Awdal  loogu  carab-baabey.

Mid  kalena  way  jirtaa  goormaa  xuduudaha  degmooyinka  Somaliland la  kala  saarey  oo  la  kala  xadeeyey  mid  cusub  oon  aheyn  tii  lixdankii  mase  jirtaa  xaqiiqo  cad  oo  hoos  gayneysa  degmada  cali-xaydh   gobalka  awdal,  tani  waa  wado  xukuumadu  isu  furtey  oo  ay  isu  kicisey  mooshino  laga  quustay  kuwaasoo  ku  saleysan  xuduudaha  kala  xadeyntooda,  arinkasina  ma,aha  mid  jira   xuduuduhuna  waxay  isugu  jiraan  Sidii  lixdankii  lamana  kala  saarin,  Cida  maanta  cid  waxeedii  meel  kale  gayneysaa  yadaa  cirka  roob  ku  og,  runta  iyo  wadiiqada  saxda  ahna  way  ka  leexanaysaa  waayo  umado  aaned  kala  saarin,  wixii  isugu  jireyna  aan  loo  kala  soorin  in  si  gaara  cid  loo  casuumaa  waa  mid  xaaraan  ah  waxaanen  leenahay  halkaa  ha  lagu  noqdo  oo  ha  loo  meel  dayo   waxa  la  bixinayo.

Dhinaca  kale  hadaan  ka  istaagno  horta  magacaabistan  Degmada  Cali-xaydh  waxay  daaran  tahay  (Timir  Lafbaa  Ku  Jirta),  waxa  yadna  meesha  ka   muuqata  munaafaqad  iyo  isku  dir  laga  dhex  oloosayo  Shacabka  reer  gabiley  Iyo  Musharaxa  Jagada  Madaxweynenimo  Mudane  Muuse  Biixi  Cabdi  oo  isagu  ka  soo  jeeda  Gobalka  Gabiley,  Waa  cida  bixisey  degmada  xiligani  waa   cid  isku  soofaynaysa  Muuse  Biixi  iyo  umada  uu  ka  dhashey  ee  reer  gabiley,  hadaba  hadaanu  nahay  reer  gabiley  waan  fahansan  nahay  bahashu  halkay  haysato anaga  cidna  lana  colaysiin  maano  ,  cidna  lanagu  diri  mayo ,  balse  yadaa  ka  jawaabi  cida  daaha  dabadiisa  qaladkaa  uga  fadwootay  madaxweynaha inkastoonu  isagu  u  kasin  balse  cid  baa  dabin  maleegaysa  oo  shar iyo  xumaan  sokeeye  heer  ku  gaadh  is  leh,  hadal  iyo  dhamaantii  adeer  magacaabista  degmada  cali-xeydh  ee  gabiley  laga  dheereeyey  waa  muraad  halkee  haysta???  Goormaase  xuduudaha  la  qaybiyey  kuwii  sanaag  waa  sidoodii,  kuwii  tog-dheer  waa  sidoodii,  kuwii  saaxil  waa  sidoodii  ,  kuwii  soolna  waa  sidoodii  ,  maxaa  kala  bur-buriyey  ee  xagal-daaciyey  kuwii  Gabiley??  Ee  Sad-bursiga  siiyey  Awdal  yadoo  gabileyna  la  rifayo.

Qalinka:  C/raxmaan  Sayid  Faarax  (Jeesto)

Diplomatic  Annalyst

Gabiley/Somaliland.