Oodweyne News - Latest Somali News Update

Maanta Maxakamadii Sare Waxay Qaadatay Go’aan aan Sax ahayn Waxanay Go’aamisay in Dacwoode lasoo Garnaqsado Dacwaysanihii usoo Dacweeyey !!! ??

Maanta Maxakamadii Sare  Waxay Qaadatay Go’aan aan Sax ahayn Waxanay Go’aamisay in Dacwoode lasoo Garnaqsado Dacwaysanihii usoo Dacweeyey !!! ??
Waxa hubaal ah hadii dacwooduhu xaqiisa ka helaayo dacwaysanaha in aanu Maxakamad ba Yimaadeen ee uu ka qaadan lahaa xaqiisa waxaana sidaa ka dhigan Dacwada uu Maxakamada usoo gudbiyey Dacwoode Xildhibaan Cabdiraxman Talyanle oo ay Maanta Maxakamada Sare ku celisay in uu kula noqdo Dacwaysanahii usoo dacweeyey.
Ugu Horayn bal ila akhri Qaar ka Mida Awoodaha Maxakamada Sare Sharcigu Siiyey kadibna  dhinac dhig Goaanka ay Maanta Gaadhay Maxakamada Sare
1. Maxkamada Dastuuriga ah waxay awood u leedahay dhagaysiga iyo go’aan gaadhista dacwadaha la xidhiidha go’aanada dawlada iyo
xeer dejinta ee aan wafaqsanayn dastuurka ee ay soo hor dhigto cida danaynaysaa.
2. Maxkamadda Sare waxay hubisaa in Qoddobada sharciga sidooda loo dabaqey ama loo fuliyey ama loo fasirey iyo in ay qabato Hawl kasta oo uu u xil saarey Dastuurku ama
sharciyada kale ee ka soo baxa waaxda Xeer-dejinta.
3. Maxakamada Sare Waxay ka garsooraysaa go’aan na ka gaadhaysaa khilaafyada ka dhex dhasha laba qof ama in ka badan, xubin/xubno dadweynaha ah iyo dawladda iyo khilaafyada hay’adaha dawladda dhexdeeda.
Sidaa darteed Maxakamada Sare waxay Awood Sharci u leedahay inay ka Garnaqdo Dacwadaas loosoo gudbiyey Waxaana Saaran inay Ixtiraamto Xaqa Muwaadinka Dacwooodaha ah ee kasoo dacwooday Cid aanu xaqiisa ka qaadan karin ama duudsiday…
Ugu dambayna waxaan talo Siinayaa Macalinkayga Qaaliga Ee Adam Haji Ali Ahmed oo aan leeyahay Qaraarkaas bal aad uga fiiro wali laguma hayo Goaamo Aan uma raali galine.
Alla Mahad leh
Garyaqaan Ayaanle Xaliye
Email:- ayaanlemcige@gmail.com
063-4485657