Oodweyne News - Latest Somali News Update

Cali Mareexaan Wasiir Kasbatay Somaliland Qore khadar Ibrahim

Waxaan salaamaya bahda saaxafada ee qalbiga iyo maskaxda ka xoorta ah , waxaana salaamaya muwadiniinta Somaliland.

Yaa ka mas’uul ahaa dayaca iyo musuq maasuqa hadhiyay wasaaraddi hawlaha guud intu imin wasiir cali marexaan oo runti kor u soo qaaday hawlihii wasaarada hawlaha guud iyo gadiidka.Maqaalkan waxaan u soo qaatay in aan dadka xasuusiyo wasiirada aan ka soo xaadirin shaqadooda oo uu kow ka yahay wasiir c/risaaq Khaliif Axmed ee maanta ah xusbin ka tirsan xisbiga WADDANI ee dadka ku waalay isbedel ayaan keeni doona.cabdirisaaq khaliif waligii wuxuuku xisabtamaa xirsi oo amarada ka qaadan jiray waata keentay markii u xiris rabay inuu talaabsado cabdirisaaq kadaba cararay!!.

Waxaan la waydiyay shaqaalahii ku sugnaa w/hawlaha in aanay arag mudo badan waagi I aha wasiir cabdirisaaq wasiirka wasaaradda hawlaha guud oo ay ku darayn in ay ka arki jiriin wasiirkooda TV YADA IYO MEELAHA XAFLADAHA WASIIR SITA MAGACA WASAARADA!!. Waxay shaqaalahaasi sheegeen in aanay xataa wax tababar ah aan la siin wixii simaanaar soo baxana la leexsado hadii la qabtana waxa laga dhigaa QADO OO LACAGATA BADANKEEDA SIDAAS KU BAXDO!! .waxayna ku tusaysa inuu cabdirisaaq khaliif kow ka aha musuq maasuqa wasaaradda dilay iyo qootkii shaqaalaha masaakiinta ah ee ka shaqenayay wasaaradda hawlaha guud markuu ah wasiir.

Ma jiro maamul mar keliya wax kasta oo dalka ka dhiman wada qabanayaa mid kastaa mudada uu joogo waxa waajib ku ah in aanu hagran dalkan iyo dadkan, waxaana lagu qiimaynayaa fursadaha iyo maaliyadda uu helay siduu uga faa’iidaystay iyo inay isu dheelitiran yihiin wixii gacanta dawladda soo galay iyo waxqabadka uu la yimi.

Madaxweynaha maanta tallada hayaana waa Mujaahid hore naftiisa iyo maalkiisa ugu huray dalkiisa xorayntiisa, oo welibana hawl geliyay Wasiirro uu ka mid yahay Mud.CALI MAREEXAAN wasiirka hawlaha guud oo isna dedaal iyo kartidiisa ku taageeraya sidii guul dhamaystiran loo gaadhi lahaa.

Kama hadli karno horumar iyo koboc dhaqaale intaynu nahay kuwo aan waxba curin Karin oo ah isticmaaayaal qalbi la’ oo wax matarayaal ah , kuna jira dhaleecayn iyo hadal joogto iyo belo sheeg.

Kuwan innagu asqaysiiyay shirar iyo waxba lama qaban waa danaystayaal hore u soo wada qabtay maamulo goobihii ay maamuli jireen aan kaga tegin wax lagu xusuusto.

Dacaayadda iyo isku hadalku Waxay hadda noqotay cudur xun oo bulshadii asiibay illaa ay gaadhay in wax kasta la qoro ama lagu hadlo si run loogu qaato.

Wasiir cali mareexaan wuxuu samaynayaa mahadho aan dhammaan sida nobel oo kale, Inta ay naxdin kugu hayn lahayd waxqabadkiisu , adigu isku day inaad keento wax bulshada faa’iido u leh oo lagugu xusuusto, kaana dejiya werwerka aad ka qaaday waxqabadka masuuliyiinta dadaalka iyo kartida badan.

Taas waxaan ku keenay dadaalka fara badan u wasiir cali ka hirgaliyay wasaaradda iyo wadooyinka dalka, bal eega moroodijeex,saaxil,sanaag,togdheer oo runti into joogay wasiirku mshaariic fara badan ka fuliyay goboladda, waana libax gaban oo nifaaqa garanayn ,runti waa wasiir Somaliland kasbatay oo si daacad ah dalkiisa iyo shicibkiisa u adeega.

Saadaashu waa khayr khayr khayr

 

Qore khadar Ibrahim

Khadar338@hotmail.com