Oodweyne News - Latest Somali News Update

Duni waxay joognaa Maanso

Maansadani waxay ka hadlaysaa xaalado aduunku maraayo,naaziyiintii dadkoogii kuwa drones adeegsada sida dabaqada loo hayay kuwa adunyada awooda sheegta iyo xaalkooga shirkada caalamiga iyo siday dadka u dhacayaan ganacsadayaasha iyo dhibtay ku hayaan danyarta iyo amuuro badan akhris wacan Duni waxay joognaa.

 
Xaqoo dhan la  duudsiyoo
Garab duubna  la xidhoo
La dayacay masaakiin

Dilaaliin xumaatana
Dollarkii xaraysteen
Daarahooda geysteen
Ka buuxsadeen docdoodii

Kii dab shidaayay
Duulkana gubaayay
Inta darajo loo xidhay
Loogu daro ducoo dhan

Idaacado la daaroo
Daldalaysa beentana
Looga furay dushoodii

Kuwa diir naxaynoo
Calooshood daneeyana
Lagu yidhi dadbaa tihiin

Qaar dirays la siiyoo
Dariiqoogu qaloocana
Dawlad loogu yeedhay

Kuwa dunida sheegtay
Awood ay Ku doodaan
Dadka ay ku biiyaan

Dunidan ifriiqiyana
Ka danbaysa caalam

Dalkii islaamkuna
Danahoodii hoose
Meel duliya joogaan

Dorrones badnaadiyo
Daran doori duulaya
Rayid Lagu duraayo

Siyaasiyiinlasoo duway
Danteena ahayna
Lagu sii  adoonsaday

Naazigii dirkoodiyo
Dadkii kasoo hadhoo
Cunsurnimada Ku durnayd
Dacal kaste buux dhaafsheen

Kuwa shirkado daartoo
Telephanooyin daadiya
Intay duubka Soo xidheen
Dadkeenii dhacaayaan

Ganacsado dugaagii
Duqaydiyo caruurtii
Waxay u diiqad haynin
Darafkooda ag keeneen

Islaanimadii diirnayd
Looga durkay dhankaasoo
Bari hore la daadiyay
Hamse riraash