Oodweyne News - Latest Somali News Update

Sidee ayay Dooduhu Macno Ku Yeelanayaan, Maxaase Caqabado Ku Gadaaman?

Marka hore, aad baan u soo dhawaynayaa dooddo ay yeeshaan saddexda musharax madaxweyne ee saddexda xisbi-qaran; KULMIYE, UCID Iyo WADDANI. Dooduhu waa u muhiim musharixiinta iyo shacabkaba. Musharaxu wuxuu si hufan ugu soo bandhigaa barnaamijka xisbigiisa iyo kartidiisa hogaamineedba bulshada. Bulshaduna waxa ay jirabtaa ninkaa doonaya in uu noloshooda oo dhan maamulo iyagoo waydiinaya wax kasta oo saamayn ku leh noloshooda iyo sida uu wax uga qaban karo.

 

 

Hadii ay sidaas tahay, aan is waydiino, dooddu ma sideeda ayay qiimo ku leedahay dood ahaan, mise waxa qiime u yeella qaabka loo qabto, sida cidda doodaysaa ay ugu diyaar-garowdo iyo sida dadka ka qayb-galayaa ay u hayaan macluumaad cilmiyaysan oo xaqiiqa wata isla markaana ay si togan u waydiiyaan musharaxiinta? Doodda waxa qiima u yeella qaabka nuxurkeeda loo habeeyo looguna diyaar garoobo.

 

 

Tan caksigeedda, dooddaha inta badan la qabtaa waxa ay noqdaan kuwo aan macno badan samayn sababo badan aawadood. 1. Musharaxiinta ama cidda ka qayb-galaysaa inta badan waxa ay isku dayaan in ay af-miishaarnimo kaga baxaan jawaabo ay ahayd in looga jawaabo si cilmiyaysan xaqiiqana wadata. 2. Qofka wariyaha ah ama doodda hagaya oo laga yaabo in uu kaliya meeshaba u soo fadhiisto in uu dhagaysto wixii kasta ee jawaab ah, sax ama khalad. Sababtu waa in uu isaga laftiisu aanu markaas haynin macluumaad cilmiyaysan oo tafatiran. Sidaas darteed, ma hujuumi karo ka-qayb-galaha doodda ama ma challenge garayn karo. 3. Dadka su’aalaha waydiinaya masuuliyiinta oo iyaga laftoodu aan la iman su’aalo cilmiyaysan isla markaana cadaymo leh. Tan caksigeeda, waxaa bay su’aaluhu u bataan waxyaabaha maqaaxiya lagaga sheekaysto ee dacaayada u badan iyo kuwo shakhsi-weerar ah oo aan dad iyo dal midna faa’iido u lahayn.

 

 

Sidaas darteed, waxaan soo jeedin lahaa:-

 

1. In qofka doodda hagayaa uu ahaado qof taariikhda, dhaqaalaha, siyaasadda iyo arrimaha bulshadda u faaqiidi kara si tafatiran oo cilmiyaysan. Tani waxay doodda ka dhigaysaa mid aad u qiima badan lagagana doodo wixii loo baahna in laga doodo, waliba qaab cilmiyaysan oo dal iyo dadba manfac u leh.

 

2. Dadka doodaha ka-qayb-galayaa waa in ay sii darsaan su’aalahooda, cadaymo sugan u raadiyaan, ka fogaadaan shakhsi-weerarka caadifadda ku dhisan kaas oo lumiya macnaha doodda iyo kulankaba.

 

3. Masuuliyiinta doodaha ka qayb-galayaa waa in ay si aad u baaxad wayn isugu sii diyaariyaan doodaha, sii darsaan dhibaatooyinka qarran ee ay doonayaan in ay wax ka qabtaan kuwaas oo ku xusan barnaamijyadda xisbiyadda, ha la yimaadaan qaab looga gudbi karo oo wata cadaymihiisa cilmiga ah iyo kuwa maan-galka ahba. Masuuliyiintu waa in ay ka waantoobaan jawaabahan ay doonayaan in ay ku wajahaan af-miishaanimadda iyo qabqablaynta.

 

 

 

W/Q Abdifatah Ahmed Ileeye E-mail: Abdifataax11@live.com Passau, Germany