Oodweyne News - Latest Somali News Update

Arragti Si Cilmi ah u Sharxaysa Biyo-La’aanta ”Water Scarcity”_Q2aad

Wareega biyahu waa dhaqdhaqaaqa biyuhu ku dhex sameeyaan atmoosfiyeerka (movement of water through atmosphere). Wareega biyuhu wuxuu ka kooban yahay:-

 
⦁ Uumi bax (evaporation): waa habka kulayka cadceedu biyaha dareeraha ah ugu badalo hawo (gas).
⦁ Uumi baxa dhirta ( transpiration) uumi baxa ay sameeyaan caleemaha dhirtu.
⦁ Fadhiisin (condensation) waa u badalida biyihii uumiga ahaa loogu celinayo dareere
⦁ Di’id (precipitation) waa dib ugu soo noqoshada biyuhu oogada dhulka ku soo noqdaan iyagoo ah dareere sida roobka ama adke sida barafka .
⦁ Biyaha rogmada (runoff water): waa biyaha ka soo rogmada buuraha ee raaca wabiyada, dooxyada ama gala badaha.
⦁ Muusid (infiltration): waa biyaha quusa ama hoos u gale dhulka ee sameeya deegaan biyoodka dhulka hoostiisa (acquifer).
⦁ Akuwayfar (acquifer): waa deegaan biyood dhulka hoostiisa ku yaala (ground water) waxaanuu biyaha ku helaa habka muusida.
⦁ Qulqulka biyaha dhulka (ground water flow): waa socodka ay sameeyaan biyaha dhulku ee ay sababto kala saraynta dhulku (topography).

 

Qoddobada Saameeya Baahida Biyaha
Baahida biyuhu waa isu gaynta biyaha la istimaalo (summation of water usage) waxaana saameeya:-
⦁ Heerka adeegu joogo (level of water service) heerkaas oo u sii qaybsama sadex qaybood oo ah:-
No Heerka adeega biyahu joogo faahfaahin
1 Heerka koowaad (pointsource) adeegu ma dhaafsana ilbiyoodka Waxa jira ilbiyood balse male wax biyaha ka soo qaada oo dadka ayaa gacantooda ku dhaansada
2 Heerka labaad (water kiosk) adeegu wuu dhaafsanyahay ceelka waxa jira ilbiyoodkii, kaydkii, habkii qaybinta beebabka iyo kiyoosooyinkii dadku ka dhaansanayeen oo guryihii isku dhawba hal kiyooso laga dhaxaysiinayo
3 Heerka sadexaad (individual house connection), adeegani waa ka ugu fiican uguna horumarsan Waxa jira dhamaan habkii biyo soo saarka, dawaynta. Kaydinta, qaybinta oo guir guri ah

⦁ Cimilada (bilaha kulaylaha xagaagu jiro iyo bilaha qaboowgu jiilaalku jiro)
⦁ Tirade bulshada ee u baahan adeega biyaha (size of the community)
⦁ Tirade iyo tayada biyaha ee laga heli karo deegaanka
⦁ Tacrifada lagu iibiyo biyaha (water tarrifs)
⦁ Heerka nolosha (standard of living)
⦁ Caadada iyo hanaanka biyo isticmaalka bulshadu sida uu yahay.

 

 

Xisaabinta baahida biyaha (water demand quantification)
Si loo ogaado baahida biyaha ee ka jirta deegaankaaga waxa la la marayaa jidkan:

 

2

 

La Soco Qaybta Sadexaad
Qalinkii: Macalin Eng Abdirashid M Jama (Belel)
Bulo002@hotmail.com