Oodweyne News - Latest Somali News Update

Taariikh Kooban Oo Ku Saabsan Kiniisadaha, Maxay Culimada Islaamku Ka Yidhaahdeen In Kiniisad Laga Dhex Dhiso Waddamada Muslimiinta Ah

Jamhuuriyada Soomaliland Waa Dal Boqolkiiba Boqol Muslimiin Ah , Shalayna May Muslimin Ab Kab Ayey Muslimiin Ahaayeen .

Soomaaliland Waxa Ay Ka Mid Tahay Dalalka Dhifta Ah  Ee ay Shacabkiisu Ay Wada Yihiin  Muslimiin Sunniya oo Shaaficiya Ah, Waana Ay Yartahay Caalamul Islaami Dawlad Boqolkiiba Boqol Muslimiin Sunni Ah.

Taariikh Kooban Oo Ku Saabsan Kiniisadaha

Kiniisadu Waa Goob Ama Waa Dhisme Ay Kiristanku Ku Weyneeyaan Diintooda  Oo Ay  Iskugu Yimaadaan, Kiniisadii Ugu Horaysay Waxa Laga Dhisay Dalka Jordan 230 Sanno Ka Hor  Nebi Ciise Cs Dhalashadiisa.

Kiniisada Maxaa Dhex Yaala

Kiniisada Waxa Dhex Yaal Asnaam Qaarkoodna Waxa Jooga Baadariyaal Ay Dadku Ugu Yimaadaan In Ay Lacag Siiyaan Si Danbiyada Uga Dhaafaan, Waana Goob Loogu Talo Galay In Lagu Dumiyo Dadka Muslimiinta Tushuushna Lagaga Furo Diinta Islaamka.

Maxay Culimada Islaamku Ka Yidhaahdeen In Kiniisad Laga Dhex Dhiso Waddamada Muslimiinta Ah

Sida Aynu Kor Ku Soo Sheegnay Kiniisadu Waa Goob Ay Kiristanku Ku Cibaadaystaan, Iyagoo Xalkaa Asnaam Ku Barya.

Waxa Nebiga Scw Ka Suugnaaday Inuu Yidhi Jasiirada Carabta In Aan Laga Ogolaan Diin Aan Islaamka Ahayn, Mar Haddii La Diiday Diin Aan Ta Islaamka Ahayn Maxaad U Malayn In Kiniisad La Dhiso.

Culimada Islaamku Waxa Ay Isku Waafaqeen In aanay banaaneen  Meel Macbad Ah Ama Kiniisad Laga Dhiso Waddamada Muslimiinta Ah , Mana Banaana In Diinta Islaamka Iyo Diin Kale Meel Layskugu Wada Keeno , Mana Banaana In Shacaairta Gaalada Laga Dhex Muujiyo Waddamada Muslimiinta Dhexdooda.

Maxay Madaahibta Fiqiga Ee Afarta Imam Ka Yidhaadeen In Kiniisad Laga Dhex Dhiso Wadamada Muslimiinta Dhexdooda.

  1. Xanafiyada=   Wuxu Yidhi Muxumed Binu Xasan Abu Xaniifa  Oo Ahaa Abu Xaniifa Saaxiibkii Wuxuu Yidhi { Ma Haboona In Waddamada Carabta Dhexdooda Laga Tago Kiniisad}
  2. Maalikiyada=  Wuxuu U Arkaa In Ay Karaahiyo Tahay, Imaamu Maalik Badana Wuxuu Karaahiyada U Isticmaali Jiray Taxriim.
  3. Shaaficiyada= Imaamu Shaafici Wuxuu Yidhi Waa Inaan Laga Dhex Furi Wadamada Muslimiinta Dhexdooda Kiniisad.
  4.  Xanaabilada-     Uma Banaana Yuhuud Iyo Kiristan In Ay Ka Dhex Dhisaan Muslmiinta Dhexdooda Kiniisada.
  5. Abu Xasan Ashcari Wuxuu Yidhi{ Doonista Gaalnimo Waa Gaalnimo, Dhismaha Kiniisaduna Waa Meel Illahay Swt Lagaga Dhex Gaaloobo}.
  6. Ibnu Qudaama Wuxuu Yidhi { Waxa Reeban In Waddamada Muslimiinta Dhexdooda Laga Dhex Sameeyo Kiniisad}.
  7. Ibnu Taymiya Wuxuu Yidhi {  Ma Banaana In La Dhex Muujiyo Shacaairta Gaalada Waddamada Muslimiinta Dhexdooda Kiniisad Iyo Wixii Kalaba }Waxa Kale Oo Ibnu Taymiya Yidhi {  Qofka Rumeeya In Ay Kiniisadu Tahay Guri Illahay , Illahayna Lagu Caabudo , Yuhuuda Iyo Kiristanku Waxa Ay Sameenayaan Ay Tahay Cibaado Iyo Iyagoo Rasuulka Scw Adeecaya Arrinkaana Uu Jecel Yahay Raalina Ka Yahay, Kuna Kaalmeeya Furitaankeeda Iyo In Ay Diintooda Ku Samaystaan , Yahayna Arrinkaas Mid Illahay Loogu Dhawaado Qof Kaasi Waa Gaal}
  8. Taqiyudiin Subki Wuxuu Yidhi{  Dhismaha Kiniisadu Waa Xaraam Sida Ay Culimadu Isku Waafaqsan Yihiin Iyoin dhismahooga  Dib loo Soo Cceloyaba }
  9. Sh C/Casiis Binu Baas Iyo Guddiga Fatwada Sucuudiga Iyo Wasaarada Awqaafta Ee Kuwayt Waxa Ay Wadda Fatwoodeen In Aanay Banaaneen In Waddamada Muslimiinta Dhexdooda Laga Dhiso Kiniisad.

 

     
Kiniisada S/Land Laga Sameeyo Ama Tu Jirtay Dib Looga Yag Yeelo Waxa Ay Si Toos Ah Uga Hor Imanaysaa Dastuurka S/Land.

 

Wuxuu Sheegayaa Dastuurka S/Land Qodabka 5aad Faqradiisa 1aad Diinta Qaranka Somaliland Waa Diinta Lslaamka, Waxaana Geyiga Somaliland Ka Reebban Faafinta Diin Aan Ahayn Diinta Lslaamka..

Kiniisadu Meel Layska Fadhiista Maahee  Waxa Ay Faafinaysaa Diinta Kirsitanka Iyo Waxa Ay Dagaal Toos Ah Ugu Jirtaa Muslimiinta Iyo Diinta Islaamka.

 

Maxaa Lagaga Jawaabaya Hadalka Odhanaya Wadamada Reer Galbeedka Masaajido Ayaa Ku Yaala Maxaa Loogu Diidaya Waddamada Muslimiinta Kiniisado

 

  1. Masaajidku Waa Meel Illahay Kaligii Lagu Caabudo , Kiniisaduhu Waa Meel Illahay Cid Aan Ahayn Lagu Caabudo Illahay Swt Wuxuu Yidhi { أَمْ نَجْعَلُ الَّذِينَ آَمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ كَالْمُفْسِدِينَ فِي الْأَرْضِ أَمْ نَجْعَلُ الْمُتَّقِينَ كَالْفُجَّارِ
  2. In Loo Ogolaado Kiniisad Waddamada Muslimiinta Waxa Ay Ka Hor Imanaysaa Dardaarankii Nebiga Sc Woo Ahaa Jasiiratu Carab Laga Ogolaan Diin Aan Islaamka Ahayn.
  3. Diinta Islaamku Waa Diin Xaqqa Illahayna Swt Wuxuu Doonayaa Diinta Oo Kaliya In Ay Dhulka Dushiisa Ka Shaqayso, Kiiniisad Laga Dhiso Waddamada Muslimiinta Dhexdooda Waxa Ay Ka Hor Imanaysaa Diinta Islaamka Ee Xaqqa Ah. 

    Talo Soo Jeedin Waxa Aan Talo Ku Soo Jeedinayaa In Xukuumada S/Land Oo Xukuumad Jecel Diinta Islaamka , Dhiirigalisa Xifdi Quraanka Jacelna Culimada S/Land In Aanay Ogolaan Kiniisadii Hore Dib Loo Furo Wax Kastoo Dhacaba , Gaaladuna Raali Inaga Noqon Maayaan Ilaa Aynu Diintooda Raacno illaahayna  Swt Inoo Sheegay Arrinkaas Wuxuuna Yidhi{ وَلَن تَرْضَىٰ عَنكَ الْيَهُودُ وَلَا النَّصَارَىٰ حَتَّىٰ تَتَّبِعَ مِلَّتَهُمْ ۗ قُلْ إِنَّ هُدَى اللَّهِ هُوَ الْهُدَىٰ ۗ وَلَئِنِ اتَّبَعْتَ أَهْوَاءَهُم بَعْدَ الَّذِي جَاءَكَ مِنَ الْعِلْمِ ۙ مَا لَكَ مِنَ اللَّهِ مِن وَلِيٍّ وَلَا نَصِيرٍ 

Tixraac

[2] كان آخرها التقرير الصَّادر في شهر سبتمبر 2007م.

[3] ((اقتضاء الصراط المستقيم)) (ص: 166).

[4] خصائص الجزيرة العربية للشيخ بكر أبو زيد (ص: 17 – 20) (بتصرف يسير).

[5] قال عنها شيخُ الإسلام ابن تيمية في ((اقتضاء الصراط المستقيم)) (1/199): (اتَّفقت عليها الصحابة)، وفي ((مجموع الفتاوى)) (28/651): (عليها العملُ عند أئمَّة المسلمين)، وقال عنها الإمام ابنُ القيِّم في ((أحكام أهل الذمة)) (1/218): (وشُهرة هذه الشروط تُغني عن إسنادها؛ فإنَّ الأئمَّة تلقَّوْها بالقَبول، وذكروها في كتُبهم واحتجُّوا بها، ولم يزل ذِكر الشروط العُمريَّة على ألسنتهم، وفي كتبهم، وقد أنفذها بعدَه الخلفاءُ، وعمِلوا بموجبها)

[6] القَلَّاية والصومعة: من بيوت عِبادة النَّصارى. انظر: (لسان العرب) (باب: قلا)

[7] (ص269).

[8] . (7/634)

[9] فتاوى السبكي (2/391)

[10] (مصنف عبدالرزاق) (6/59)

[11] حِدَّة أو حدَّاء: هي واد فيه حِصن ونخل بين مكَّة وجُدَّة. معجم البلدان (2/ 226).

[12] (مصنف عبدالرزاق) (6/60)

[13] (مصنف عبدالرزاق) (6/60)

[14] فتاوى اللجنة الدائمة رقم (21413) وتاريخ 1/4 /1421 هـ

[15] المرجع السابق.

[16] ((تبيين الحقائق شرح كنز الدقائق)) للزيلعي الحنفي (9/452).

[17] ((المدونة الكبرى)) (3/435)، والكراهة عند مالك كثيرًا ما تكون على التَّحريم؛ انظر: ((أعلام الموقعين)) (1/50), و((المدخل لابن بدران)) (1/128).

[18] ((الأم)) (4/206).

[19] ((أحكام أهل الذمة)) (3/1182)

[20] ((أنوار البروق)) للقرافي (1/225)، وانظر التعليق على قوله: لأنَّه إرادة الكُفر، في كتاب: ((التوسط والاقتصاد)) (ص: 28).

[21] ((الكافي)) (4/361)

[22] والعِمالة النصرانيَّة من المعاهَدين والمستأمنين من باب أَوْلى.

[23] ((مجوع الفتاوى)) (28/635)

[24] انظر: ((كشاف القناع)) (5/3073) باب حكم المرتد.

[25] ((فتاوى السبكي)) (2/391)

[26] ((أحكام أهل الذمة)) (3/1193).

[27] ((فتاوى ومقالات الشيخ ابن باز)) (3/282).

[28] انظر: تقديم الشيخ لكتاب ((حكم بناء الكنائس والمعابد الشركية في بلاد المسلمين)) للشيخ إسماعيل الأنصاري.

[29] فتوى رقم (21413) وتاريخ 1/4/1421هـ (بتصرف يسير).

[30] ((فتاوى قطاع الإفتاء الكويتي)) (6/1

 

                                                                                                                   

 axmed xuseen

 

W/Q  Axmed Xuseen ibraahin