Madaxweynaha dalka Guinea-Bissau Oo Ka Hadlay Inuu ka badbaaday iskuday Afgambi

Madaxweynaha dalka Guinea-Bissau ayaa sheegay in uu ka badbaaday isku day afgambi kadib rasaas culus oo muddo shan saacadood ah socotay ay xalay ka dhacday dalkaasi.

Umaro Cissoko Embaló ayaa sheegay in kooxda weerarka soo qaaday ay isku dayeen in ay dilaan isaga iyo dhammaan golahiisa wasiirada oo ku sugnaa xarunta dowladda.

Wuxuu sheegay in dad badan ay ku dhinteen dagaalka labada dhinac, balse wuxuu sheegay in uusan garaneyn tirada saxda ah maadaama uu ku dhex jiro inta u dhaxeysa dab iyo bir.

Kooxda weerarka geysatay ayuu sheegay in lala xidhiidhinayo ka ganacsiga maandooriyaha ee dalkaasi, isagoo aan bixin faah faahin dheeraad ah.

Rasaas xooggan ayaa Talaadadii shalay ahayd laga maqlay agagaarka xarumaha dowladda ee ku yaalla caasimadda dalkaasi Galbeedka Afrika, halkaasoo madaxweynaha uu kaga qeyb galayay shirka golaha wasiirada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker