Nin Lubnaani Ah Oo Sheegtay inuu Yahay Nabi Waxyi kusoo Dego Ayaa Xabsi Loo Taxaabay

Ninkan ayaa lagu xiray dalka Lubnaan, waxaana lagu eedeeyay inuu Nebinimo sheegtay, isla markaana aflagaadeeyay dal ay saaxiibo yihiin inuu yahay Masar.

Nashat Mounzer ayaa kasoo muuqday muuqaalo isagoo sita qori alwaax ah, wajigana rinji looga xardhay waxa uuna sheegay in samada looga soo diray fariimo.

Wadaaddada Lubnaan ayaa ku baaqay in tallaabo laga qaado ninkan.

Ma cadda aqoonsiga iyo dhalashada Nashat Mounzer, inkastoo ay jiraan warar lagu qoray baraha bulshada oo sheegaya in uu durbaan ka garaacayay goob qamaarka lagu ciyaaro oo ku taal Lubnaan.

Bishii July ee sannadkii 2020-kii ayay ahayd markii nin lagu eedeeyay inuu sheegtay nabinnimo toogasho lagu dilay isagoo ku jira gudaha maxkamad ku taalla dalka Pakistan, xilli uu dhageysiga dacwaddiisa ka socday magaalada waqooyi ee Peshawar.

Waxaa kiis maxkamadeed lagu soo oogay markii sida la sheegay uu isku dayay inuu dadka ka dhaadhiciyo inuu yahay nabi.

Sheegashada nabinimada iyo aflagaaddada loo geysto diinta Islaamka ayaa dalka Pakistan waxaa ciqaabteeda ay ka noqon kartaa dil.

Inkastoo wali aysan jirin cid ay dowladda u toogatay arrimahaas, haddana waxaa marar badan ay horseedaan inuu dhaco qalalaase iyo weerar.

Ninka la dilay, oo lagu magacaabi jiray Tahir Ahmad Naseem, ayaa sanadkii 2018-kii lagu soo eedeeyay inuu nabinimada sheegtay, waxaana eedeyntaas soo gudbiyay qof dhowr iyo toban jir ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker