Ciyaaryahanka Kooxda Manchester Ee Mason Greenwood Oo Loo Xidhay Kiis La Xidhiidha Kufsi

Laacibka khadka dhexe ee kooxda Manchester United, Mason Greenwood, ayaa xabsiga loo taxaabay, kadib markii lagu eedeeyey kufsi iyo weerar oo lagu soo bandhigey Baraha Bulshada ah, oo ay soo gudbisay haweeney ka warbixineysa falal xadgudub galmo ah oo lagula Kacey.

Booliiska magaalada Manchester, ayaa sheegay in lagu wargaliyey sawirro iyo muuqaalo baraha bulshada ah, oo ay soo bandhigtay qof dumar ah.

Waxey intaa ku dartey warbixinta in qof 20 jir ah la xirey, oo loogga shakisan yahay kufsi iyo weerar.

Kooxda Manchester ayaa kal hore sheegtay in laacibka Mason aanuu  kusoo laaban doonin tababarka ciyaaraha illaa iyo amar dambe.

Naadiga ayaa sheegay ineysan raalli ka aheyn xadgudub noocuu doonno ha noqdee, iyadoo kooxdu ay soo gaartey eedeymaha lagu soo gudbiyey Baraha Bulshada.

Kooxdu waxey intaa ku dartey inaaney ka jawaabi doonin wararka soo gaadhey, illaa ay hubiso sugnaantiisa. Mason Greenwood, kama aanuu  jawaabin eedeymaha lagu soo bandhigay Baraha Bulshada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker