Barnaamijka aad ku jaajuusi karto qofka lamaanahaaga ah ama aad is qabtaan

Amy waxay sheegtay inay arrintu ay ka billaabatay markii ay dareentay in seygeeda uu u muuqday inuu ogyahay dhammaan waxyaabaha sirteeda ah.

“Wuxuu awood u lahaa inuu arko wadasheekeysiga aan dadka kale la yeesho oo dhan, xitaa wuxuu ogaaday canuga Sarah. Runtii wuxuu helayay waxyaabo sir ah oo ay ahayd inay qarsoonaadaan.”

“Haddii aan weydiiyo sida uu ku ogaaday waxyaabahan qarsoodiga ah, wuxuu igu oranayaa adiga ayaa ii sheegtay, wuxuuna igu sii eedeynayaa inaan illoobay markii aan u sheegayay.”

Amy – magaceeda saxda ah ma aha sidaas – waxay sidoo kale la yaabi jirtay sida uu seygeeda ku ogaado meel kasta oo ay aaddo iyo halka ay ku sugan tahay xilli walba.

“Mararka qaar wuxuu ii sheegaa inuu igu arkay meel qaxwada lagu cabo oo aan kula kulmayay asxaabteyda, isagoo sheegaya inuu meeshaas iska marayay oo uu sidaas igu arkay. Kaddib waxaan billaabay inaan qof walba ka shakiyo, oo xitaa aanan aaminin asxaabteyda.”

Muddo dhow bilood ah ayey arrintan soo xoogeysaneysay, xiriirkeygii guurkana wuxuu isu baddalay xaalad jahwareer ah.

Xilli aan safar dalxiis ah ku maqneyd ayaan go’aansaday inaan soo afjaro oo aan burburiyo qoyskeyga.

“Meeshii aan dalxiiska u tagnay annagoo joogna ayuu ninkeyga damcay inuu i tuso sawirro uu telefoonkiisa ku qaaday. Laakiin si lama filaan ah ayaan u arkay farriin u soo dhacday oo dhaheysa, ‘Warbixinta maalinlaha ah ee ku saabsan kumbuyuutarka Amy waa diyaar, waana la fiirin karaa.’”

“Waan isku naxay, xitaa waan neefsan waayay hal daqiiqo, waan is maaweeliyay, waxaan iska dhigay sida qof aan waxbo arag” ayay tiri Amy.

“Waxaan eegay Koombiyutarkeyga si aan u fiiriyo barnaamijka uu igu jaajuusayay, waa taallaabada aan kusoo baraarugay muddo bilooyin kaddib markii aan jahwareeray.”

Barnaamijka sirdoonka ee Stalkerware waa qalab awood leh oo si furan loogu kala iibsado suuqyada Online-ka.

Barnaamijkan wuxuu awood u leeyahay in uu daalacdo farriimaha shaashadaha teleefoonada, duubana codadka, lana socdo dhaqdhaqaaqa GPS-ka(goobta uu qofka joogo) iyo kameerooyinka shaqsiyaadka.

Wuxuu la socon karaa waxyabaha khaaska ah ee ay ay sameynayaan.

Woman on phone

Tips to avoid being victimised:

  • Don’t leavedevice unattended – most software requires physical access
  • Ditch fingerprintlock – a partner can use your print while you sleep
  • Add security app– antivirus software can also detect spyware and remove it

Sida laga soo xigtay shirkadda ka shaqeysa ilaalinta amniga internetka ee Kaspersky, tirada dadka arkay barnaamijkaas sirdoonka ah ayaa sare u kacday boqolkiiba 35 sannadkii lasoo dhaafay.

Shirkadda Kaspersky waxay sheegtay in barnaamijka sirddoonka stalkerware lagu arkay ilaa 37,532 qalab intii lagu guda jiray sannadkan.

Madaxa shirkadda ee dhanka cilmi baarista, David Emm ayaa yiri: “Dadku inta badan wey ilaashan karaan Laptop-kooda ama Koombiyutarkooda balse ma ilaashadaan teleefoonnadooda”

Daraasadda ay soo saartay Kaspersky waxay muujineysaa in dalka Ruushka uu yahay kan ugu badan ee laga soo tebiyay barnaamijka sirdoonka.

Sidoo kale dalalka lagu arkay barnaamijkaas waxaa kamid ah Hindiya, Brazil, Mareykanka, Jarmalka iyo UK.

Shirkad kale oo qaabilsan amniga internetka ayaa sheegtay inay jiraan tallaabooyin lagama maarmaan ah oo qofka looga baahan yahay in uu qaado marka uu ka shakiyo in la basaasayo.

“Mar kasta waxaa muhiim ah in aad la socoto barnaamijyada ku jira teleefoonkaaga, waxaa muhiim ah in aad iska saarto feyraska laguu soo diro. Haddii aad garan weydo barnaamij teleefoonkaaga ku jiro iska saar,” waxaa sidaas yiri Jake Moore oo ka tirsan shirkadda Eset.

Sharciga guud ayaaba oranaya: “Hadddii aadan isticmaaleynin barnaamij ku jiro teleefoonkaada iska saar.”

Markii Amy ay ogaatay in Kombiyuutarkeeda la jabsaday, waxay ka aamin baxday isticmaalka teknooloojiyadda.

Ha’yadaha samafalka waxay sheegayaan in arrintani ay maskaxiyan jawaab u tahay isku buuqa maskaxeed ama welwelka.

Jessica iyaduna waa haweeney kale oo ay dhibaato kasoo gaartay barnaamijkaas basaaska lagu sameeyo.

Ninkii ay horey u kala tageen ayaa si joogto ah u basaasi jiray telefoonkeeda.

Wuxuu si toos ah u dhageysan jiray waxyaabaha sirta ah ee ay ku sheekeystaan iyada iyo asxaabteeda, kaddibna erayada qaar ayuu si ciyaar ciyaar ah ugu dhihi jiray.

Haweeney welwelsan oo eegeysa teleefoonkeeda
Haweeney welwelsan oo eegeysa teleefoonkeeda

Gemma Toynton oo ka tirsan ha’yad samafal oo qaabilsan ka hortagga tacaddiyada qoysaska ayaa sheegtay in barnaamijkan uu horseedayo aaminaad darro, isla markaana uu caqabad ku yahay kiisaska ay xaliso.

“Teknooloojiyadda waxay noqotay sida shabaq ku dhex jiray maskaxdooda, dad badan waxay isaga tegayaan isticmaalka barta internetka.”

“Dhabtii, saameyn ayay ku yeelaneysaa nolosha, barnaamijka sirdoonka ee stalkerware wuxuu noqday walaaca sare u kacaya,” ayey tiri.

Amy oo haatan ku nool Mareykanka, waa la furay, seygii ay kala tegeen wuxuu ku nool yahay meel kale oo masaafo dheer u jirta.

Haatan waxay seygeedii hore ka wada hadlaan daryeelka canug ay dhaleen oo lix sano jir ah, iyagoo warqado isku diraya.

Presentational grey line

Tijaabinta barnaamijka

Abusers have been known to use victims fingerprints to access phones to install the software

Shirkadaha soo saara barnaamijyada sirdoonka waxay xayeysiiyaan adeegyadooda si ay loogu isticaamalo ‘la socodka dhaqdhaqaaqa shaqaalaha’ ama ‘maamulka qoyska’

Dalal badan oo uu kamid yahay UK, ayaase looga isticmaalaa barnaamijkaas in ay isku jaajuusaan lamanayaasha is qaba, iyadoo uu sharci darro yahay haddii uusan jirin wax fasax ah.

Si kastaba waxaa jira Website-yo lala xiriiriyay maqaallo ay qoreen shirkado soo jeedinaya in la adeegsado barnaamijka sirdoonka ee ‘ay isku jaajuusaan lamaaneyaasha.’

Wariyaha BBC-da ee warbixintan qoray ayaa qoraal kula hadlay shirkadda soo saartay barnaamijka jaajuuska ah, isagoo doonayay inuu tijaabo ku sameeyo.

Si toos ah ayuu ugu yiri: “Waxaan rabaa in barnaamijkan la iigu shubo telefoonka xaaskeyga, arrintaasi ma sir baa?”

Qof dhinaca macaamiisha u qaabilsan shirkaddaas ayaa ugu jawaabay: “Barnaamijka toos ayuu kuugu shaqeyn doonaa isla marka aad ku shubto telefoonka. Waan ku faraxsanahay inaan ku caawiyo.”

Wuxuu wariyaha sheegay in uu soo degsaday ilaa 5 barnaamij oo ay soo saartay shirkadda ugu weyn ee qaabilsan amniga internetka si uu markii dambe feyraska uga saaro teleefoonka.

Wuxuu sheegay in dhammaantood lagu sheegay “in ay yihiin barnaamijyo halis horseedi kara.”

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker