Dab qabsaday Guri ku yaala xaafada Kulmiye ee magaalada Ceerigaabo.

Dab qabsaday guri Daar ah oo ku yaala xaafada Kulmiye ee magaalada Ceerigaabo ciidanka Dab-demisku u gurmadeen.

Ciidanka ayaa ku guuleystay xakamaynta iyo daminta dabkaas oo ahaa mid ku fidaayey guryihii u dhawaa, waxaana ciidamadu ka badbaadiyeen guryo kale ,mana Jirin khasaare dhaawac iyo dhimasho ah oo uu dabkani sababay.


Ciidanka Dab-demiska ayaa mulkiilihii gurigaa ku wareejiyay qaddar lacag iyo kaadhadh aqoonsi oo laga soo saaray guriga dabku qabsaday.

Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland in ay ka digtoonaadaan wax kasta oo keeni ama sababi kara dab. Sidoo kale la nidaamiyo alaabta guriga taala. Dhanka kale dadweynuhu ka feejignaadaan goobaha dabka laga bakhtiinayo inay ku soo buuqaan caqabadna ku noqdaan daminta dabka.

Ciidanka Booliska Ceerigaabo ayaa iyaguna dhankooda hawlgalkaa goobjoog ahaa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker