Oodweyne News - Latest Somali News Update

Mudo Ka Badan Saddex Todobaad Kadib Khadka Internet-ka Koonfurta Soomaaliya Oo Dib usoo Laabtay

Muqdisho(OWN)- Muddo Ka Badan Saddex Todobaad kadib ayaa waxaa khadka internet-ka dib looga helay Koonfurta Somaliya, kadib markii Fiiladii Internet-ka 24-kii Bishii hore uu jaray markab.

Maqnaanshaha Qadka Internet-ka ayaa wuxuu saameyn ballaaran ku yeeshay shaqooyin badan oo dadka ay qabsan lahaayeen, waxaana taasi ay keentay in gaab ay ku yimaadaan shaqooyinkaasi.

 

 

Dowladda Soomaaliya oo hawl badan ku bixisay sidii loo sameyn lahaa khadka Internet-ka ayaa ugu dambeyn maanta oo Isniin ah waxa ay ku guulaysatay sameynta khadka Internet-ka inkastoo aanuu aheyn sidii hore,  Shaqooyinka muddadii uu maqnaa qadka Internet-ka gaabka galay waxaa ka mid ah, bixinta Baasaboor Soomaaliga oo adeega Internet-ka lagu bixin jiray, shaqooyinka xawaaladaha, Idaacadaha iyo Hay’adaha NGO-yada ah.

 

 

Dadka ku nool Koonfurta Soomaaliya ayaa isugu hambalyeynaya dib u helida addeega Internet-ka ee Xawaaraha dheereeya oo In Ka Badan Saddex Todobaad ka maqnaa Koonfurta, iyadoo Internet-ka uu  ka mid noqday waxyaabaha dadka aduunka ku nool hadda ay toos ugu wada xidhiidhaan , maadaama aalado kala duwan oo casri ah lagu isticmaalo arimaha bulshada.

 

 

Oodweynenews Muqdisho